Baanka Ganacsiga Itoobiya oo Shaaciyey Inuu Laan ka Furanayo Somaliland

Guddoomiyaha Baanka Ganacsiga Itoobiya Mr.Bacha Gina

Guddoomiyaha Baanka Ganacsiga CBE ee Itoobiya Mr.Bacha Gina, ayaa shaaca ka qaaday inay qorsheynayaan inay Jamhuuriyadda Somaliland ka furtaan Laan cusub sannadkan, taasi oo qeyb ka ah himiladda Baankaas oo ku taamaya inuu dalalka caalamka furto laamo kala duwan.

Siduu daabacay Wargeyska The Reporter ee ka soo baxa Addis-ababa oo Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA soo xigatay, waxa Guddoomiyaha Baanka Ganacsiga Itoobiya oo ka hadlayey Addis-ababa uu xaqiijiyey in doonayaan inay isu beddelaan baan caalamiya oo laamo badan ku leh dalalka Adduunka.

Mr.Bacha Gina Guddoomiyaha Baanka Ganacsiga Itoobiya wuxuu sheegay inay astaynayaan qorshe ay laamo kaga furanayaan dalalka Somaliland iyo Sucuudiga sannadkan, halka ay dalal kalena oo aanu carabaabin ay ka furan doonaan muddo labada ilaa saddexda sannadood ee soo socda.

Baanka Ganacsiga Itoobiya waxa uu xiligan laamo ku leeyahay dalalka Koofurta Suudaan iyo Jabuuti, iyadoo guud ahaan ka hawlgala 1516 laamood, isla markaana uu leeyahay 22 milyan oo macmiil.

Somaliland iyo Itoobiya oo ah laba dal oo saaxiib ah ayaa leh cilaaqaad iyo iskaashi la xidhiidha dhinacyada Nabadgelyada iyo Ganacsiga.

Advertisement

Ku Xayeysiiso