Wardegdeg: Iska Horimaadkii Caawa ka Dhacay XArunta Baarlamaanka Puntland oo ku geeriyoodeen Askar iyo nin Ganacsade ah

Xogta Iska hor imaadkii Caawa ka dhacay xarunta Baarlamanka Puntland ee Magaalada Garoowe, waxaa ku nafwaayay askari ka tirsan Ciidanka dawladda waxaa ku dhaawacmay laba askari iyo 4 qof oo shacab ah, iyadoo markii dambe mid ka mid ah dadkaasi rayidka ah uu geeriyooday.

Marxuumka geeriyooday ayaa ahaa Cabdikariim Maxamed Faarax (Dhagaweyne) ahaana Agaaasime ku-xigeenkii Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha. Sida uu ii sheegay wariye ku sugan cisbitaalka guud ee Garoowe oo dadkaasi la geeyay.

Rasaas badan oo la is waydaarsaday kadib Ciidanka Madaxtooyada ayaa la sheegay inay la wareegeen xarunta Baarlamanka

Advertisement

Ku Xayeysiiso