Gudaha ka eeg: Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo Xukuumada Madaxweyne Denni ku eedeeyey in Ciidamadiisi Madaxtooyadu Weerar qaawan ku soo qaadeen Baarlamaankooda.

Allaa Mahad Leh

Anigoo Ku Hadlayaa Magaceyga Iyo Magaca Golaha Shacabka E Dowlada Puntland Waxaan Dhamaan Shacabweynaha Soomaaliyeed Iyo Kan Puntlandba Uga Tacsiyeynayaa Dhibaatada Caawa Ka Dhacdey Xarunta Golaha Baarlamaanka Dowlada Puntland, Ka Dib Markii Xukuumadu Weerar Qaawan Oo Xaqdaraa Kusoo Qaadey Xarunta Golaha Kaasoo Galaaftey Nolosha Dad Rayid Iyo Askarba Leh.

Madaxtooyada Ayaa Ciidankii Loogu Talo Galey Inay U Adeegaan Bulshadooda U Adeegsatey Iney Ku Weerarto Kuna Leyso,Taasi Ayaa Muujineysa In Madaxtooyadu Ka Shaqaneyso Sharafdaro Soo Gaarta Sumcada Iyo Sharafta Dowlada Puntland, Iyadoo Weerarkani Muujinayo Abaabul Balaaran Oo Lagu Afduubayo Hanaanka Wanaagsan Ee Uu Shaqeynayo Baalmaanka Dowlada Puntland Lana Doonayo Sidii Xoog Gacanta. Loogu Dhigi Lahaa Xarunta Uu Ku Shaqeeyo Si Looga Dhigto Meel Wixii La Rabo Laga Samaysan Karo.

Ugu Dambeyn Waxaan Dadweynaha Reer Puntland U Cadeynayaa In Weerarkii Caawa Lagu Soo Qaadey Xarunta Baarlamaanka Uu Yahay Dhaawac Weyn Oo Soo Gaarey Hab Maamuuska Caasimada Iyo Sharafkeediiba Ayna Mas Uuliyada Dadkii Ku Dhintey Iyo Kuwii Ku Dhaawacneyba Qaadanayaan Cida Ku Tala Gashey In Xarunta Golaha Ka Sameyso Rabshadaas Amni Soona Handadey Ilaaladii Xarunta Laheydna Sababta Khasaarahaas Lixaadka Leh.

Wabilaahi Towfiiq.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso