Waa Dhacdo Dhab Ah Oo Ka Dhacday Cusbitaalka Hargeysa

Waa Dhacdo Dhab Ah Oo Ka Dhacday Cusbitaalka Hargeysa

“Akhriste, Fadlan Cidna Ha U Sheegin”

Markii uu geeriyooday (AHUN) ururiyihii xogta caafimaadka gobolka toghdeer ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, bilowgii Sannadkii 2010-kii.
Marxuunka aroornimadii markii loo qaadayey xabaasha, waxa guriga meydku yaalay yimid laba nin oo ka tirsanaa shaqaalaha ka hawl-gala Qolka Meydka ee Cusbitaalka Guud ee Hargeysa, waxaanay kadinka hore ee guriga kula kulmeen Iskuduwadihii Caafimaadka Gobolka Togdheer, oo hadda ah Iskuduwadihii Caafimaadka Gobolka Togdheer, kaasoo ka soo qeyb galay aaska marxuunkaas (ALHU), isla markaana waxay u sheegeen in marxuunkan dhintay ay ku leeyihiin deyn gaadhayasa 300,000. Sh/SL, deyntaas oo ahayd bay yidhaahdeen, meydhi laba jeer ah oo ay meydheen marxuunka markii uu yaalay qolka meydka.
Iskuduwahaas oo wajigiisa ay ka muuqato argagax iyo amakaag, ayaa ii yimid anigoo jooga gudaha gurigaas, waxaanu farta iigu tilmaamay labadii oo taagnaa goob naga durugsan, waxaanu igu yidhi, Maxamedow, labadaa nin a garaneysaa, waxaan ugu jawaabay, haa, waa shaqaalaha ka hawl-gala Cusbitaalka Guud.
Waxaanu ii sheegay in ay weydiiyeen lacag gaadhaysa 300,000 oo kun Sh/Sl, in ay ku leeyihiin ,marxuunkan dhintay, lacagtaa oo ah meydhitaankii meydka markii uu yaalay qolka meydka, waxaanan ugu jawaabay, Cidna ha u sheegin ee bixi haddii aad hayso lacagtaas, sidaas baanu ku bixiyey deyntii ay u sheeganaayeen marxuunkaa ka tirsanaa Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.
Waxaan nasiib u yeeshay in aan la kulmo mid ka mid ah wadayaasha baabuurta gurmadka degdega ah, waxaan weydiiyey labadaa nin ee meydhiga ahaa halka ay ku sugan yihiin wakhtigan xaadirka ah, waxaanu ii sheegay, in mid ka mid ah, aanu garaneyn meel uu ku sugan yahay, laakiinse, kii kale in uu noqday tabliiq, ka dib markii maalin maalmaha ka mid ah oo aanu soo dhignay qolka meyka nin ku geeriyooday qeybta badbaadada degdega ah, isagoo gudanaaya hawl-maalmeedkiisii meydhitaanka meydka, ayuu meydkii ku dhagey gacantii meydhiga, anagoo aan kaba fogaanba ayaanu aragnay meydhigii oo orod iyo qaylo kaga soo baxay albaabkii qolka meydka, oo ninkii meydka ahaa ee aanu qolka meydka keenayna uu daba ordaayo, naxdintiibaanu kala yaacnay anagiina, maalintaas ayaa ugu danbeysay meydhigaas oo waa (Tabliiqi).

Muddo ka dib, maalin maalmaha ka mid oo ay ammintu ahayd aroor hore oo qoraxdu liiqa ka soo wada baxday, jawiga cirkuna uu ku shaqlanaa daruuro riman, ayaan la kulmay wade ka mid ah wadayaasha baabuurta gurmadka degdega ah oo lugaynaya jidka isku xidha wadada 150-ka iyo isgoyska xero-awr, waxaanu ii sheegay in uu raadinayo guri uu hor-dhigay gaadhigii gurmadka degdega ahaa oo uu saarnaa qof meyd ah oo uu ka soo qaaday Cusbitaalka Guud ee Hargeysa.

Markii aan keenay guriga ayaan is idhi inta loo hagaajinaayo qol la dhigo meydka ka soo quraaco hudheeladan u dhow isgoyska xero-awr, imikana waxaan garan laayahay goobtii uu ku yaalay gurigii aan keenay meydka, ayuu igu yidhi wadihii baabuurkaas.
Waxaan tabaniyey in xogo badani ku duugan yihiin wadahaas baabuurka, waxaan jeclaysatay in aan mar labaad la kulmo, markii aan la kulmay wadahaas, waxaan weydiiye in uu hellay gurigii uu raadinaayey, waxaanu ii sheegay in uu mar danbe hellay goobtii uu ku yaalay gurigaas.
Waxaan mar labaad weydiiyey, wadahaas oo magaciisa la yidhaahdo, Daahir, goormay kuugu darneyd intii aad ahayd wade-baabuurta gurmadka degdega ah, gaar ahaan qaaditaanka meydka?
Daahir waxa uu iigu jawaabay, maalin maalmaha ah ayaa la igu wargaliyey in aan ka soo qaado nin shaqaale ah oo ku dhacay Baanka dhexe isagoo ku jira hawl-maalmeedkiisii shaqo, markii aan keenay qeybta gargaarka degdega ah ee Cusbitaalka Hargeysa.
Ka dibna, Dhakhtarkii ku qornaa qaybtaas waxa uu xaqiijiyey in uu ninkani meyd yahay, isla markii ay ku qanceen ehelkoodii, ayaa mar labaad la igu wargaliyey in aan meydkan u qaado gurigiisa, markii aan geeyey gurigii ayaa ay eheladoodii igu yidhaahdeen aad hadhow meydka xabaalaha u qaadide nagu soo noqo 4-ta galabnimo.
Markii aan galabnimadii ku soo noqday gurigii meydku yaalay oo dad badani hortiisa ku buuqsan yihiin ee gaadhigii aan waday dib u soo galiyey, ayaa Nin masuul ah oo markii hore ee aan soo qaadayey meydka la socday uu ii yimid, waxaanu laabta ii saaray 30,000 Sh/SL, waxaanu igu yidhi, Cidna ha u sheegin, Ninkii wuu soo baraarugaye. (Xabaal-mariwaa)

Qoraa/ Maxamed Faarax Qoti

Advertisement

Ku Xayeysiiso