HADDII QAADKA LA WAAYO, gaby xiknad badan A Ahmed Diriye

HADDII QAADKA LA WAAYO, gaby xiknad badan

Ahmed Diriye

ahmedmdiriye@yahoo.com

HADDII QAADKA LA WAAYO, gabay..

 

Ninka qaadka cunaa, dhashiisuu qadiyaayoo

Quudkooduu ku tuntaane, haddii qaadka la waayo

Qarash baa hakanaayoo, qoysaskaa aflaxaaya

 

Ninka qaadka cunaa, waqti baa ka qasaaroo

Qayrkii buu ka hadhaaye, haddii qaadka la waayo

Aaabahaa qabsan doona, qabyo hawl ka ahayd

 

Ninka qaadka cunaa, QOODHAY WAA XERADAYDA

Qayilaad ku dhixiisa, Marwadiisaa qurxoon buu

Qalbigeeda jabshaaye, haddii qaadka la waayo,

Farxaday wada qaybsan labaddii is-qabaayo, waqti bay wada qaadan

 

Ragga qaadka cunaa, waa qalfoof socoto ah

Qalfoof socoto ahoo, haddii qaadka la waayo

Raggan quudka ka soomay baa, qurixaysan lahaayoo

Hablo quustay samaanoo, ka qashaafay gayaanoo

Quud-darreeyay shisheeyaa, rajo qaadi lahaayoo

Haddii qaadka la waayo, rag aan guur u qalqaalin baa

Guursanaaya qurshayshoo, qoysas baa dhismilaa

 

Ragga qaadka cuna, qaar baan u sujuud qaadirkooda salaaddoo

Waa qalayn iyo dayne, haddii qaadka la waayo,

Qaru’aankay baran iyo diintoo, qaboobi lahaayeen

 

HADDII QAADKA LA WAAYO, QAYILAADA MIRQAANKA

QARAAMI HEESO DHEGAYSKA, MAFRASH QIIQ WADA HAYSTO

QOL KU YAAL JANNO MOODKA, QAADIRO CADHO-TOOSKA

WAA QASAARE NA HAYSTEE, HADDII QAADKA LA WAAYO

QALAD BAA SAXMILAAYOO, QARANKA CAGGIHIISA KU IS-TAAGI QUMAATI

Advertisement

Ku Xayeysiiso