Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Oo Daah Furtay Barnaamij Cusub.

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa gobolka Awdal ka daah furtay mashruuca Sahan , qaybtiisa heer bulsho ee wacyigelinta Caafimaadka, Barnaamijkaas oo ay gacan weyn ka geysanayso hay’adda PSI.

Mashruucan  ayaa ah mid lagu falan qaynaayo sidii kor loogu qaadi lahaa caafimaadka hooyada iyo dhalaanka, iyada oo daah furka Mashruucan ay ka hadleen qaar kamid ah masuuliyiinta wasaaradda Horumarinta caafimaadka ee heer degmo iyo Heer gobol ee gobolka Awdal.

Waxaana ugu horeyn furitaanka Mashruucan Sahan ka hadlay Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Arrimaha Bulshada ee heer Qaran Mustafe  Maxamed Axmed ayaa sheegay in mashruucan uu muhiimada kowaad siinaayo sidii Hooyada iyo Dhalaanka loogu soo xidhi lahaa goobaha caafimaadka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa wacyiga Ragga , si ay ula socdaan xaaladda caafimaad ee Hooyada xiliyada ay uurka lee dahay.

Masuuliyiinta wasaaradda Horumarinta caafimaadka ee gobolka Awdal ayaa iyaguna balan qaaday in ay mashruucan    si weyn u garab istaagi doonaan , si uu u hirgalo .

Dhinaceeda waxa iyaduna daah furka Mashruucan ka hadashay Drs  Faadumo Jaamac Yuusuf oo kamid ah saraakiisha sar sare ee hay’adda PSI  ,iyada oo  ka warbixisay mashruucan iyo faa’iidada uu u lee yahay bulshada , waxaanay sheegtay in madashan lagu falan qayn doono arrimaha caafimaad ee khuseeya qoyska , gaar ahaana hooyada iyo dhalaanka.

    

Advertisement

Ku Xayeysiiso