Wasaaradda Degaanka Iyo Horumarinta Reer Miyiga Somaliland Oo Tabobar U Furtay Toban Farsamo Yaqaan.

Wasaaradda Deegaanka Iyo Horumarinta Reer Miyiga Somaliland ayaa tababar u furtay toban farsama-yaqaan oo ka socday Machadka Tababarka Farsamada biyaha ee Magaaalada Hargaysa, kuwaas oo lagu tababari doono rakibaada iyo dayactirka qalabka Taangiyada Biyaha kulayliya ee ku shaqeeya cadceeda.   

Tababarkan ayaa qayb ka ah qorshe lagu dhiiri-galinaya isticmaalka tamarta kala duwan ee wax ka tari kara yaraynta isticmaalka dhuxusha oo ay wado Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Somaliland oo kaashaynsa Hay’adda UNDP.

Maxamed Yuusuf Nuur oo ka mid ah  Wasaaradda Deegaanka oo ugu horeyntii furitaanka tababarkaasi ka hadlay ayaa sheegay in taangiyada  ay wasaaradda deegaanku si tijaabo ah  u gaadhsiin doonto goobo dhawr  ah oo ku yaala magaalada Hargaysa si ay uga maarmaan isticmaalka dhuxusha iyo xaabada.

Cabdikariim Aadan Cumar Agaasimaha Waaxda Qorshaynta ee Wasaaradda Deegaanka Iyo Horumarinta Reer Miyiga Somaliland oo isna kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in siyaasada iyo qorshaha Wasaaradda deegaanku yahay sidii looga guuri lahaa isticmaalka dhuxusha loona dhiiri-galin lahaa isticmaalka tamaraha waxana xubnihii tababarkan ka qayb-qaadanayey uu kula dardaarmay in ay bulshada uga faa’ideeyaan waxyaabaha ay tababarkan muddada uu socdo ay ku bartaan. Cabdi Abokor oo ku hadlayey afka Hay’adda UNDP oo wasaaradda   ka caawinaysa qalabkan  ayaa xusay in qalabka tababarkiisu socdo maanta la gaadhsiin doono siddeed goobood oo ay ka mid yihiin Cisbitaalka guud iyo xarunta agoomaha ee magaalada Hargaysa .

    

Advertisement

Ku Xayeysiiso