Wargeys Talyaaniga ka soo Baxa oo Qiray Dedaalka Somaliland Gelisay Qorshaheeda Aqoonsi Raadinta

 “Somaliland iyo Somalia:Laba dal oo Mataanno ah oo  muddo dheer iska soo horjeeday.”

Wargeyska L’Indro oo ka soo baxa Talyaaniga, ayaa warbixin dheer ka qoray dalalka Somaliland iyo Soomaaliya qoraalkaas  ciwaan uga dhigay “Somaliland iyo Somalia:Laba dal oo Mataanno ah oo  muddo dheer iska soo horjeeday.”

Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA oo soo xigatay Wargeyska L’Indro oo  ka warramay  sidii ay 1960kii u midoobeen   Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya, burburkii midowgaas iyo marxaladihii ay soo mareen labada dal, kuwaasi oo ay kala xukumi jireen Ingiriiska iyo Talyaanigu.

Waxa kaloo uu ka hadlay sidii kaligii taliyihii Siyaad Barre u waxyeeleeyey reer Somaliland isla markaana  dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba u go’doomiyey ummadda Somaliland.

Wargeysku inkasta oo uu taabacsanaa  Soomaaliya, waxase uu  qiray in Jamhuuriyadda Somaliland ay tahay dal muhiimad weyn u leh dalalka Khaliijka, gaar ahaan  Imaaraadka Carabta. Waxa kaloo uu intaas ku daray in dalal ay ka mid yihiin Maraykanka iyo Kenya ay cilaaqaad ganacsi la samaysanayaan Jamhuuriyadda Somaliland iyagoo aan haddana weli ictiraafin.

Warsidaha L’Indro wuxuu xusay in shacabka Somaliland ay  ku nool yihiin  nabadgelyo buuxda, kuna tallaabsadeen horusocod dhaqaale oo aan ka jirin  Soomaaliya oo dhibanne u noqotay dagaalo sokeeye.

 Joornaalku wuxuu caddeeyey in Maraykanka, Qarammada Midoobay  iyo midowga Afrika ay  dedaal weyn geliyeen Soomaaliya hase yeeshee aanay wax nabad ahi ka dhalan Soomaaliya.

Wargeysku wuxuu ka hadlay sida ay u kala fogaadeen Somaliland iyo Soomaaliya iyo dagaalada siyaasadeed iyo dhaqaale ee u dhexeeya labada dhinac, waxaanu intaas raaciyey in cidda qudha ee wadahadal midho-dhal ah u qaban karta Somaliland iyo Soomaaliya ay tahay Midowga Afrika oo kaashada Qarammada Midoobay iyo dalalka Midowga Yurub.

Ugu dambeyntii, Warsidaha L’Indro oo wuxuu caddeeyey in dawladda Jamhuuriyadda Somaliland ay kordhisay dalabkeeda aqoonsi raadinta.

Advertisement

Ku Xayeysiiso