Madaxweyne Trump oo maxakamad la tiigsaday maamulka California

Donald Trump Jey Madaxweynaha Maraykanka iyo xubnaha xisbiga jamhuuriga ee uu ka tirsanyahay Mr Trump ayaa dacwad ku furey maamulka gobolka California ee dalka Mareykanaka,kadib markii uu maamulkaasi meel mariayay shuruud ah in qofka musharaxa madaxweynaah noqonayo uu ku qasbayo in uu soo bandhigo canshuurihii uu bixiyay.

Gavin Newsom oo ah guddoomiyaha gobolka California oo dacwadaasi ay ku wajahayntahay kana tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa todobaadkii hore saxiixay sharcigan oo la sheegay in saameyn ballaaran uu ku yeelan karo in madaxweyne Trump uu markale isku soo sharaxo xilka madaxweynaah Mareykanak.

Madaxweynaha Mareykanka iyo xisbigiisa ayaa dacwadan ay u gudbiyeen maxakamadda waxaa ay ku doodayaan in sharcigan uu yahay mid xad gudub ku ah dastuurka u yaal dalkaasi ee tilmaamaya shuruudaha qofka musharaxa ah looga baahan yahay.
Maamulka gobolka California ee dalkaasi Mareykanka aya sheegaya in sharcigan uu yahay mid quseeya oo kaliya codbixiyaasha,kuwaasi oo codkoodi siinkara oo kaliya qofkii soo bandhiga canshuurtii uu bixiyay.

Dastuurka u degsan Mareykanka ee shuruudaha qofka xilka madaxweynenimo qabanaya ayaa ah sedex qodob,kuwaasi oo kala ah, in gudaha dalkaasi ku dhashey in uu yahay muwaadin Mareykan ah,in 35 san uu ka weynyahay iyo in 14 sano uu degnaa dalkaasi,balse Xisbiga Trump ayaa u arkaa sharcigan cusub mid xad gudub iyo weerar ku ah qorshaha Trump uu markale xilka ugu tartamayo.

Waxaa la aaminsan yahay in Donald Trump uu yahay madaxweynaha kaliya oo aan la ogeyn canshuurtiisa,marka laga reebo Gerald Ford oo xilkaasi hayay 1796dii,waxaana haatan muuqanaysaa in donald Trump uu wajahayo caqabado siyaasadeed oo hor leh.

Advertisement

Ku Xayeysiiso