Dawladda Kenya oo Shaacisay inay Dhammaystirtay Miisaaniyadii Qunsuliyadooda Somaliland iyo Waxyaabaha ay ka Filayaan

Wasiirka Ganacsiga Kenya Mr. Peter Munya ayaa sheegay in la dhammaystiray miisaaniyadii ay ku hawlgeli lahayd qunsuliyadda ay Kenya ka furanayso Magaalada Hargeysa ee caasimadda JSL, si kor loogu qaado cilaaqaadka labada dal.

Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA ayaa soo xigatay Wasiirka Ganacsiga Kenya Mr. Peter Munya oo  Wargeyska The Star ee ka soo baxa magaalada Nairobi, u xaqiijiyey   in Xafiiska Dawladda Kenya ka furanayso Hargeysa ay  rajaynayaan inuu  kor u qaadi doono baddeecadaha ay Kenya u dhoofin doonto Jamhuuriyadda Somaliland.

Mr. Peter Munya wuxuu intaas ku daray in xafiiskooda Hargeysa uu dawladda  Somaliland kala xaajoon doono  wax ka qabashada caqabadaha  ka hor iman kara ganacsiga.

Wasiirka Ganacsiga Kenya wuxuu sheegay in dawladda Kenya ay culays saarayso sidii ay suuq ugu heli laheyd baddeecadaha dalka ka soo go’a  ee   Bunku ka mid yahay.

Advertisement

Ku Xayeysiiso