WADDANI IYO UCID OO HAYA DHABIHII OO KAGA GUULAYSTAY KULMIYE

 

Salaan ka dib
Waxaan jeclaystay inaan kula wadaago maqaalkan aan helay
 
Wadani iyo UCID oo weli haya dhabihii uu kaga guulaystay Kulmiye (Qaybtii 1aad)
 
Xeel-dheerayaasha siyaasadda iyo doorashooyinka Somaliland qaarkood ayaa aaminsan in hogaamiyeyaasha xisbiga Kulmiye, gaar ahaan Madaxweyne Siilaanyo iyo Madaxweyne Biixiba ay weligood daacad u ahaayeen, haddan u yihiin dareenka taageerayashooda (oo hadba heer u guuraya), iyo heshiisyada xubnaha xisbigu ku wada galaan; halka ay hogaamiyeyaasha mucaaradku (Gudoomiye Faysal iyo Gudoomiye Cirro) laga dareemayo geed-sare waabno  iyo “DADKUBA WUU LAHAA” kua salaysan.
 AFEEF: xaqiiqooyinka hoos ku taxan ee arrintan maragga u ah, anigu midkoodna umaan soo qaadan taageero iyo mucaaradnimo midnaba. Sidaa awgeed, akhristow inta aanad qoonsan ama u riyaaqin astaamahan hogaamiyeyaasha xisbiyada lagu kala tilmaamay, horta qoraalkan akhri, oo haddii meel keliya ka diido xaal iyo raali gelin baan bixinayaa.
 1. Guyaashii dambe ee dawladdii marxuum Maxamed Siyaad Barre ee dagaaladdu aafeeyeen dalka iyo dadkama, Madaxeyne Biixi iyo Mudaxweyne Siilaanyoba dhulka ayga ah ayay kula noolaayeen jabahddii ay hogaaminayeen iyo dadweynihii ka qaxay dhulkii jabhadda laga taageersaanaa. Halka ay Gudoomiye Cirro iyo Gudmmiye Faysalna isaga dab-qaadayeen Muqdishu, Moosko, iyo Helisinki.
 
2. Mudnaanta Horumarinta xisbiga Kulmiye ugu horraysiiyaa deegaamadda laga doortay, oo ah
hab-dhaqan dunidda oo dhan can ka ah. Waxaana marag iyo caddayn u ah, mashruucii horumarineed ee ugu weynaa, uguna horreeyay ee uu Madaxweyne Axmed Maaxmed Maxamuud (Siilaanyo) ku talaabdsaday wuxuu ahaa Waddada Ina Af-madoobe iyo Ceerigaabo isku xidha, oo dhan 250km oo inteeda badani marta deegaankii looga codeeyay xisbiga Kulmiye doorashaddi madaxweynaha ee 2010. Siddoo kalena, mashruuca ugu weyn ee ay ilaa maanta ku talaabsatay xukuumadda Kulmiye ee uu hogaaminayo Madaxweyne Biixi waxa weeye Wadda degsiimadda Koodbuur ee magaaladda Hargeysa iyo marso dhuleedka Wajaale ee degmadda Gabiley isku xidha, waayo madaxweyne Biixi wuxuu labaddan degmo ka helay 123,141 cod oo u dhiganta 40% wadarta codkii uu jaggada dalka ugu saraysa salaanka uga dhigtay oo dhamaa 305,909 cod. Halka mashruuca labaad ee uu Madaxweyne Biixii ku talaabsaday oo ah dhimse qasri madaxtooyo oo casri ahina uu maanta ka socdo isla degsiimadda Koodbuur.

3. Xarrumaha saddexda xisbi halka ay ku yaalaan ayaa ah tusaalaha ugu yare e arrintaas cadaynaya, waayo saddexda xarumoodba ku yaalaan degsiimadda Koodbuur oo ku taalaa geeska Waqooyi Galbeed ee magaaladda Hargeysa, halkaasoo ay xarumaha saddexa xisbiba isu jiraan fogaan aan ka badnayn 200 talaabo. Bal la eeg saamiga cod ee ay saddexda xisbi ka kala heleen lixda goobood ee ugu dhaw xarumaha saddexda xisbi doorashaddii 2017. Codadkaasoo dhamaa 8,219 cod (eeg shaxda hoose); xisbiga UCID wuxuu helay 103 cod oo keliya oo u dhiganta 1%; xisbiga Waddanina 665 cod oo keliya ama 8%; iyadoo 7,451 cod ee kale ama 91% uu helay xisbiga tallo-wadaagga ku astaystay xaruntiisa ee Kulmiye.

Magaca Goobta 

Tirada Codka

UCID

KULMIYE

WADDANI

Dugsiga A. Dhagax

2,126

26

1,965

135

Dugsiga Sh. Madar

857

10

739

108

Istaanka Jigjiga Yar

1,155

7

1,096

52

MCH ka Saxardiid

1,456

29

1,268

159

 Bada Cas

1,105

13

979

113

Suuqa Jamac Gunti

1,520

18

1,404

98

 Wadar

8,219

103

7,451

665

 Sidoo kalena, waxaa degsiimadda Koodbuur ku yaala hoyga Madaxweyne Biixi iyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud, iyo Madaxweyne Ku-xigeenkooda Saylici.

 4. Shirweynaha xisbi siyaasadeed, badiba waxaa lagu qabtaa magaaladda ama deegaanka uu xisbigaasi kal helo teegaradda ugu badan ama taageero mustaqbalka ah laga shukaaminayaan. Bali la eega go’aan qaadashadda biyo-kama-dhibcaanka ah ee xisbiga Kulmiye, oo shirweynihiisii ugu dambeeyay (2019) ku qabsaday degmadda Boorama oo uu xisbigaasi ka helay 20,817 cod oo wadarta codka degmaddaa laga dhiibtay doorashaddii 2017 oo dhamaa 52,074 cod ka noqonaya 40%. Sidoo kalena, degmadda Boorama waxay kaalinta 5aad ka gashay baaxadda codka uu ku soo baxay Masaxweyne Biixi; iyadoo ay ka horreeyeen Hargeysa, Burco, Gabiley, iyo Berbera. Waxaa kale oo ay xeel-dheerayaasha doorashadda beelaysan ee Somaliland sii odorasayaan inuu Madaxweyne Biixi qormaynayo jeegaan siyaasdeed cusub oo ka hanaqaadda deegaamadda u dhaxeeya Hargeysa ilaa Lawyacado.

 Halka shirweynaha xisbiga UCID ee la filayo inuu August 2019 ku qabsoomo degmadda Burco, oo uu xisbigani doorashaddii 2017 ka helay 973 cod oo keliya, oo u dhiganta 1% wadarta codadka degmadda Burco laga dhiibtay oo dhamaa 95,242. Ma is-tidhi UCID wuxuu aad u jecel yahay degmooyinka uu helo 1% codkooda ka mid ah. Waayo, doorahsaddii madaxtooyadda ee 2017, Faysal Cali Waraabe waxaa 83.6% codkii uu helay siiyay codbixiyeyaasha degmooyinka Hargeysa iyo Sallaxley; isla markaana Sallaxley waxay ahayd degmadda keliya ee uu kaalintaa 1aad galay xisbiga UCID. 

 Dadka qaarbaa qiyaasaya sababta UCID shirkiisa ugu qabanayo Burco inaanay ka fogayn laba ujeedo oo Madaxweyne Biixii loogu gogol xaadhayo inuu mar kale ku guulaysto doorashadda madaxtooyadda. Kow, in xisbiga UCID laga soo saaro musharaxa ka soo jeeda Barriga Burco, si doorashadda dambe codka saddexda gobol ee bariga Somaliland uu ugu qaybsamo labadda musharax ee UCID iyo WADDANI; halka xisbiga KULMIYENA laga yaabo inuu isku dubba rito codka saddexda gobol ee galbeedka Somaliland. Ujeedada labaadna, waxay noqon kartaa inuu xisbiga UCID xafiiltan iyo xangaruufo kala kulmo magaaladda Burco, gaar ahaan dhinaceeda galbeed, si ay u sii kala fagmaan taageerayaasha WADDANI (Walaah yaclam).

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso