Fariin caafimaad

 Fariin caafimaad
 Baarlamanka jsl waxa uu ansaxiyey sharcigii ku dhaqanka qawaaninta sharci ee fayadhowrka dawlada jsl oo buug faydhowrka dalka ah markaas cidii ku xad gudubta qodobada sharci ee fayadhowrka waxa qabanaaya qodob sharci fayadhowr sida ku xusan ama ku qoran buugaas fayadhowrka jsl markaas waa in loo hogaansamaa ilaalinta fayadhowrka dalkeena jsl

 Muwaadin ilaali fayadhowrka gurigaa xaafada aad degantahay deegaanka caasimada aad ku nooshahay
 Muwaadin qashinku intuu kuu jiro ayuu cudurku kuu jiraa
 Muwaadin qashinka ha ku tuurin goob aan loogu talo galin sida wadooyinka laagaha dooxyada etc la sug shirkadaha u xill saaran qashin qaadista ogsoonow xill baa inaga wada saaran ilaalinta fayadhowrka bulshada
 Muwaadin bulshada ka shaqaysa ilaalisa fayadhowrka deegaanka ay ku nool yahiin waxay gaadhan horumar nadaafadeed iyo caafimaad qab
 Muwaadin qashinka ha ku tuurin goob khaldan hana raacin biyaha roobka ku hay goobta aad degan tahay
 Muwaadin qashinka farmasiyada cusbitaalada sida irbadaha ha ku tuurin goob aan loogu talo galin
 Muwaadin biyaha wasakhda ee dhar maydhista ama bulaacdaha hudheelada ha ku daadin sida wadooyinka jidadka caasimada etc waxa ka dhalan kara fayaqab daro nadaafad daro bilicxumo
 Muwaadin waxii khilaafsan fayadhowrka deegaanka aynu ku noolahay wax ka qabo oo la xidhiidh laamaha fayadhowrka dawliga ah
 Muwaadin waa in aynu ku dhaqanaa sharciga iyo qawaaninta u dajisan fayadhawrka dalka jsl
 Muwaadin ilaali nadaafada fayadhowrka biyaha iyo weelka aynu ku shubano biyaha sida foostooyinka jirikaamada nadiifi mar kasta si aynu uga badbaadno xanuuno keeni kara caafimaad daro
 Fayadhowrku waxa uu awood u leeyahay in uu wax ka qabto cidii ku xad gudubta sharciga fayadhowrka dalka u dajisan ilaa heer maxkamadeed

Advertisement

Ku Xayeysiiso