Xukuumadda Somaliland oo ugu Baaqday Dhallinarada inay bartaan Afkooda hooyo

Wasiirka wasaaradda warfaafinta , Dhaqanka iyo wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Md Maxamed Muuse Diiriye ayaa kormeer kusoo maray xarunta Dhaqanka ee Hargeysa oo uu ka socdo toddobaadka Buugaagta Caalamiga ah.

Waxa wasiirka goobtaasi ku soo dhoweeyey Jaamac Muuse Jaamac oo ah guddoomiyaha  xarunta Dhaqanka ee Hargeysa, isaga oo warbixin ka siiyey wasiirka habka ay u socoto  hawsha toddobaadka Buuggaagta Caalamiga ah ee Hargeysa International Book Fair.

Jaamac Muuse Jaamac ayaa sheegay in ay goobtan ku sugan yihiin dhalinyaro badan oo ilaa 60 gaadhaysa oo ka kala yimid lixda gobol ee Somaliland iyo gobollada kale ee ay Soomaalidu degto, waxa kale oo uu uga mahadceliyey wasiirka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland iyo shaqaalaha wasaaraddaasiba sidii ay ula shaqaynayeen intii uu socday toddobaadka Buuggaagta ee caalamiga ahi.

Dhinaciisa wasiirka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Mudane Maxamed Muuse Diiriye oo goobtaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay ummadu faa’iido weyn ka helayso micnaha ay lee dahay qoritaanka iyo akhriskuba, isaga oo tilmaamay in wasaaradda warfaafinta iyo wasaaradda Dastuurku ay samayn doonaan Barnaamijyo dadka lagu baraayo dastuurka iyo shuruucda dalka oo warbaahinta Qaranka laga baahin doono.

Wasiirka ayaa ku amaanay dhalinyaradda goobtaasi kusoo bandhigtay buuggaagta  dedaalka  iyo waqtiga ay geliyeen buuggaagtaasi oo uu ku tilmaamay kuwo faa’iido weyn ugu fadhiya dalka iyo dadkaba.

Waxaanu ku booriyey in ay dhallinyaradu marka hore afkooda bartaan.

    

Advertisement

Ku Xayeysiiso