U Hiil Caasimadda Hargeysa oo Dooro Hogaan u Hiilin kara Mustaqbalka Xildhiban siciid Cudhay!!

U Hiil Caasimadda Hargeysa oo Dooro Hogaan u Hiilin kara Mustaqbalka!!

Dooro Xildhiban Siciid Cudhay

Hargeysa waa caasimadda jamhuuriyadda Soomaliland, Waa Caasimada la tartameysa guud ahaan caasimadaha caalamka gaar ahaan caasimaddaha geeska afrika, sida aynu wada ognahaye waxaa golaha deegaanka ee dalka oo dhan lagu soo doortaa codka dadweynaha oo doorasho xor iyo xalaal ah gala, golaha deegaanka ee wakhti xaadirkan wey muddo dhaafeen oo in waxaa la rajeynayaa in sanadkan doorashadii golayaasha deegaanku ay qabsoonto, sidaas oo ay tahay Hargeisa waxay u baahan tahay hiil u hagar baxa oo aqoon iyo karti leh kaas oo ay shacabka ka dhaxlaan adeegyadda aasaasiga ah ee shacabku u baahan yahay.

Xildhibaan siciid Abdisamad ( Siciid Cudhay) oo ka sharaxan xisbiga UCID gaar ahaan degmadda Hargeisa ayaa ah murashaxa kaliya ee maanta la odhan karo waa uu buuxin kara hiilka ay shacabka reer Hargeisa inta badan ku taabayee, Xildhibaan siciid cudhay oo leh aqoon iyo khibrad dheeraad ah in muddo ahna ka soo shaqeynayey wadamada yurub ayaa diyaar u ah in uu wakhtiga aqoontiisa iyo kartidiisa uga faaideeyo wadankiisa hooyo, kuna garab istaago waayo aragnimadiisa dhinaca adeegyadda ay bulshada iyo shacabka Hargeisa u baahi qabaan.

Xildhiban siciid Cudhay oo aan aqoon dheeraad ah aan u leeyahey Ayaan aaminsan nahay in uu yahay nin hanan kara xilka gudoomiyaha golaha deegaanka Hargeisa , sidoo kale leh dad la dhaqan iyo dad aqoon in badan wakhtigiisa galiyey in uu bulshadiisa ku dhex noolaado.

Hadaba, Hargeisa doorashadda dhaw ee golaha deegaanka waxay u baahan tahay hiil dad leh karti iyo aqoon oo uu kow ka yahay xidhibaan siciid cudhey, shacabka reer hargeisana waxay heystaan fursadii ay kaga midho dhalin lahaayeen in ay u rumowdo riyadoodii aheyd in ay arkaa Hargeisa oo siraadan oo shacabka loo fulinayo adeegyadii ay uga baahnaayeen golaha deegaanka, fursadas oo ah in ay codkooda ku ciil baxaan oo ay ku doortaan siciid cudhey iyo inta la aqoonta iyo kartida leh.

Guntii iyo Gabogabadii, Balanteenu waa ina codkeena ku ciil baxno maanta ayeynu fursadas heysnaa oo aynu doorano Xildhibaan siciid cudhay, berrina kula xisaabtano kartidiisa iyo waxqabadkiisa inagoo Kalsooni buuxna ka qabna waayo aragnimadiisa iyo aqoontiisa

Cilmi Yusuf

boodharirr@outlook.com

hargeisa

Advertisement

Ku Xayeysiiso