NOLOSHA WARQADAHA Abdifataah M. Ahmed

 

NOLOSHA WARQADAHA

Ayaamo Warqadaha Aragtiyaha lagu soo Dhigey Xus iyo Xassuus loo Sameynaayo Ayeynu Galney,Toddobaadka Buuggaagta iyo Warqadaha Ayaa inoo Billaabmey,Waxa loo Mahadnaqayaa Qalinley Badan oo horre wax u soo Qortey,Waxa la Baraarujinayaa Inta aan waxba Qorin ama Akhriyin ee Hal-abuur Qorraal Leh,Waxaana la soo Dhaweynayaa Kuwa sannadkan iyo Carwadani Buuggaagta cusub ku soo Beegay,bulshadana u wada.

Sannad Kasta hal-Mar Ayaa taxannaheygani”Nolosha Warqaduhu soo Baxaa”isaga oo ku beegma Kal-kasta Carwada Bandhiga Buuggaagta Hargeisa oo hadda 12-Jirsatey.Waa Run waxa aynu la Nool-nahay kuna nool-nahay Aragtiyo,Xikmado,Aqoon,Sheekooyin iyo Cilmiyo badan oo Xaashida iyo Warqada dusheeda lagu soo Dhigey,Inta La jiro Aqoontuna ay Jirtana waxa ay Xaashida iyo Warqaddu noqon doonaan Kuwo aynu is Weheshan Doono.

Sannadkan Ciwaanka Hal-ku dhega u ah Qormadeydani ayaa ah”Dib aan u booqano Buuggaagtii”.Wax badan oo Maskaxdeena ku Jira ama wax badan oo aan Daawana waa kuwo Markii horre innagaga yimi Buugg aynu Akhriney ama Qorraal loo Bedelay Muqaal.aan dib u booqano Buuggaagtii aan Jecleyn ee aan ka Dhaxalney Aqoonta Maankeena Buuxda.

Baraha Bulshada ayaa dad Badan ka  Mashquuliyey ku Xidhnaantii Buuggaagta ama Akhriskii Badnaa,Hawlaha badan iyo Mashquulka Ayaa kuwo badan u diidey Haleelida buuggaag iyo kutub ay Jeclayeen ama Qorsheysteen in ay Akhriyaan.Waxa dad badan Noloshooda ka mid Noqotey kala Jarida iyo Hakiska badan ee kaga dhaca Buugg u socota ama aaney Dhameynin.

Berri Ayey aheyd Markii la Booqan Jirey Saxaaradaha Rugta kutubtu Taalo ee la Xiiseyn Jirey,in aad Buugg yaalla ka soo qaado kuna Akhrisato miis aan ka fogeyn Halka buuggaagtu raseysan tahay,Maantana Qofkasta Telefoonkiisa Gacanta Ayuu ku sitaa Buggaagta Dookhiisa ah ee uu Akhriska u Diyaarsadey.

Annigu Beri samaad horre Waxaan ahaa Dadka ugu Jecel Akhriska iyo Qorraalka haddase 12 billood ama 365 cisho in ku dhow Maantaan idin soo Booqdey,Muddadaasina Wax la taaban karo oo aan Qorraal ku Suntey ma sheegi Karo.Sannadkaasi Dhammaadey Hal-buug oo Luqada Af-ka ingiriisiga ah Ayaan Akhriyey oo Ciwaankiisu ahaa”History of Sheikh Madar Ahmed”.Dhiganahaasi waan ku Raaxeystey Dhan kasta Xagga Luqada iyo Taariikhdaba,Qorraaguna si Farshaxanimo leh Ayuu isugu Xidhey Dhacdooyinka.

Carwadu ha iska Mashquulsanaato Toddobaadkeedii,Da,yartu ha helaan Ayaamo Dhiiri-gelin,Qoraal iyo Buuggaag,Dadku ha is dhex Mushaxaan oo Barnaamijyadu ha Daaradaan,Waxaan u mahad-naqayaa Wax kasta oo Iga caawin Jirey Qorraladii aan idinla wadaagi Jirey Sannado horre oo soo Dhammaadey,Buuggaagtii aan Akhriyi Jirey,Dhacdoyinkii Dareenkeyga soo qaadi Jirey,Dadkii i Jecleysiiyey Buugga iyo Qallinka,Waxaan bogaadinayaa Qallinleyda Cussub ee Sannadkan Dhiganayaasha Dhaxal-reebka ah ee Hal-abuurka Tolmoon inoo soo saarey.

Akhriste Buuggeyga ugu Horreeya wuxuu soo bixi doonaa 2025 kkkkkkkkkkkkk(Filasho Wacan if Allah Say)

Mahad-badan

Abdifataah Mohamed Ahmed

Ceelaabe_10@hotmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso