Colaada ceelafweyn Baho Farax iyo Sacad Yoonis maaha way ka fog tahay.

Colaada ceelafweyn Baho Farax iyo Sacad Yoonis maaha way ka fog tahay.
Qofkii og iyo kaan ogeynba Sanaag in Somaliland laga gooyo baa la doonaya wixii ka horeeyey markii wadada isku xidha sanaag iyo somaliland inteeda kale la dhagax dhigay dadkani dad walaalo ah oo is jecel bay ahaayeen.
Sanaag waxay xidhiidh ganacsi la lahayd dekeddaha Bosaaso iyo Maydh, Burco iyo Ceergaabona waa lookala dhixi jirey waqti roobaadkana 2 ama 3 cisho buu gaadhiga dheeraynaya ukala dhixi jirey.
Balse wadadii kolkay shaqaysay 4 ilaa 5 saacadood bay isu socdeen gaadiidki Burco ila sanag gaadhiga xamuulka ka soo qaada Berbera gelinka horeba Ceergaabu gaadha halka waxaa ka baxay bayacmushtarkii bari loo qaban jirey. hadaba si aanay taasi u taaba qaadin waxa la unkay jawi colaadeed oo dib loogu soo celiyo go’doonkii gobolka Sanaag.
dawlada iyo hayadaha madaxbanaani uga shaqayn wadada inta hadhayna u joogsato.
arinka waa lagu guulaystay waxa la sameeyey Jabahad hubaysan oo fadhigeedu yahay Qardho waxa meesha ka baxday wada shaqayntii sanaag bari iyo Jamhuuriyada Somaliland. waxa hubka laysugu dhiibay dad wada dhashay oo walaalo ah .dawladihii somaliland ee kala dambeeyey arinka il fog kumay eegin meelan meeshedi ahayn bay ka dayayeen siyaasiniin ku xeel dheer arimaha socda gobolka umay dirin
Gutooyin ciidana, Culimo iyo Hogaandhaqameed bay markasta dowladu direysey hawsha meesha talaana way ka weyn tahay.
ugu dambeyn waxaan usoo jeedinaya dowlada inay talaabooyinkan ku dhaqaaqdo sida ugu dhaqsaha badan.
1- Badhasaabka gobolka in la bedelo oo siyaasi gobolka ka soo jeeda oo ruug cadaaya la keeno oo weliba sool iyo sanaag bari mid ah.
2- in sirdoonka qaranka xooog looga hawl geliyo gobolka.
3- in wadada inta dhiman la dhamaystiro si haddi arin degdegi u timaado markiiba loo gaadho.
4- in beelaha Sanaag wada dega shir laysugu keeno si ay maslaxada ubadkooda iyo mustaqbalkooda uga taliyaan dowladuna ku dul Joogto.
Waa talo Dhaanwade.

abdalla farah abdalla_farah@hotmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso