Coldoon Oo Maxkamada Gobolku ku riday Saddex Sanno iyo Lix Bilood oo Xadhig ah

Maxkamadda gobolka Maroodi-Jeex ayaa saaka xukun ku riday Wariye Cabdimaalik Sheekh Muuse Coldoon.

Wariye Coldoon ayaa eedeymaha loo haystay waxaa ka mid ahaa inuu aflagaadeeyey Madxaweynaha Somaliland, sidoo kalena uu wax ka sheegay dugsiga Abaarso oo ku yaalla duleedka magaalada Hargeysa.

Maxkamadda Maroodi-Jeex ayaa Wariyahan ku xukuntay saddex sano iyo lix bilood oo xabsi ah, kadib markii lagu helay dambiyadaasi.

Coldoon ayaa beryahan maxkamaddiisu socotay, balse ugu dambeyn saaka ayaa lagu riday xukunkaasi.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso