Waa Maxay Yoga-du?

Waa Maxay Yoga-du?

Yoga-da oo asalkeedu ka bilaabantay bariga Eeshiya, mar dambana si laxaad leh ugu faaftay adduunweynaha, waxa la sheegaa in markeedii hore ay ahayd jimicsi jidheed oo keli ah, dhaqanna ay u lahayeen Hindida iyo indhayarta qaarkood. Mar dambe se ay noqotay mid lala xidhiidhiyo ruuxda, lagana dayey khushuuc iyo cibaado la samaynayo inta lagu gudojiro jimicsiga Yoga-da. Waxa la sheegaa diinta Buudhisamka in ay leeyihiin xidhiidh qotodheer oo ku taxalluqa ruuxda iyo jidhka.

Aasaaska Yoga-du waa mid muran badan oo taariikhyahannadu isku khilaafsan yihiin, hase ahaatee xeeldheeraha diimaha Karel Werner wuxu isku sidkaa Buudhisamka iyo Yoga-du in ay meel ka wada yimaaddeen. Wuxu leeyahay, “Buddha (aasaasaha diinta Buudhiisamka) wuxu ahaa asaasihii Yoga-da, inkasta oo uu qirtay isticmaalka khibradihii macallimiintii ka horraysay haddana isagaa bud-dhig u ah Yogada.”

Taariikhaha qaar waxa ay soo guuriyaan Yoga-du in ay bilaabantay saddex kun oo sannadood ka hor iyada oo u qaybsami jirtay lix ciyaarood oo kala ahaa; Hatha, Raja, Bhakti, Jnana, Kriya, Karma. Imika waxa ugu waaweyn ee la yaqaan waa Hatha Yoga iyo Raja Yoga.

Yoga-da casriyeynteeda waxa loo tixgleliyaa Swami Vivekanda oo noolaa 1863-1902. Waxa uu ahaa Hindi ku dhashay Narendranath Datta. Swami waxa uu ka mid ahaa xer-diineedkii ugu tunka weynaa qarnigii 19aad ee uu lahaa suufigii Ramakrishna. Waxa kale oo lagu xurmeeyaa in uu kor u qaaday diinta Hinduusamka, keenayna heer ay la darajo noqon karto diimaha ugu waaweyn dunida dabayaaqadii qarnigii sagaal iyo tobnaad. Yoga-da maanta waddamada reer galbeedka u gaadhay  jidh-dhiska aragtideeda waxa lahaa Swami, waana mid ka mid ah ujeedooyinkiisi durugsanaa ee uu ku faafinayey diintiisa.

Waddamada reer Galbeedka Yoga-da waxa looga isticmaala jimicsi ahaan, laakiin xaqiiqadu sidaa way ka geddisan tahay maaddama ay tahay aaminaad. Yoga-da waxa loo tixgeliyaa sida jimicsi-jidh ahaan, maskax ahaan, aaminaad ahaan, falsafad ismuujin iyo isku kalsoonaan xambaarsan.

Guddoomiyaha midowga mad’habta Borotestanka ee loo yaqaan ‘Southern Baptist Seminary’ Albert Mohler waxa uu yidhi, “Xeeldheeraanta Yoga-du waa calaamad muujinaysa jahwareerka maskaxeed ee casriga ah iyo ceebteenna. Jahwareerku wuxu gaadhi karaa kinisaddeenna. Masiixiyiintu waxa ay ku dhaqmaan Yoga-da oo ah ficil ruuxi ah oo halis ugu jira in ay beddelaan noloshooda ruuxiga ah (masiixiyadda).”

Chris Lawson waxa uu ku qeexay, “Yoga waa qaab kasta oo awood u leh in uu jabiyo maskaxda iyo iimaanka aan saxda ahayn.”

Haweenayda qoraaga ah sida oo kale ku xeeldheer cilmi nafsiga Dr. Linda Mintle waxa ay leedahay, “Yoga-du waxa ay ku salaysantahay diinta Hinduusamka ee aan rumaysnayn hal Ilaah, waa aragti argagax leh oo aaminsan jiritaanka Ilaahyo badan. Yoga-du jidh-dhiska way kaa caawin kartaa laakiin su’aashu waxa ay tahay waxa uu sameeyo qofku.”

Qarnigii 11aad aqoonyahankii reer Iiraan Abu Rayhan Al-Biruni ayaa tegey dalka Hindiya, waxa uu degennaa lix iy toban sannadood, wuxu luuqadaha Carabiga iyo Faarisiga u rogay dhaqannadii Hindida. Falsafadaha soo jiitay Biruni waxa ka mid ahayd aragtida Yoga-da. Waxa aad u soo jiitay habdhaqankeeda caqiido ee meel isku xidhka ah, oo u eekayd khalwadii suufiyada ee uu yaqaanay.

Kolkii uu noqday isaga oo sita buugtii uu ku soo ururiyey dhaqannadii  Yoga-du ugu weynayd waxa dagaal adag kala hor yimid culimadii Isaamka gaar ahaan Sunnigii oo ogsoonaa in ay tahay caqiido laga soo miinguuriyey sannam caabudyadii. Waxa soo dhaweeyey oo casriyeynteeda qayb ka qaatay Shiicadii iyo qayb ka mid ah Suufiyada oo u arkayey in ay tahay dhaqankii Alle u dhawaanshaha ahaa ee dunida laga fogaanayey (suhdi). Gaar ahaan suufiyadii waxa ay ka qaateen qaybtii jimicsiga iyo neef qaadashada oo la xidhiidha cilmi nafsiga oo maskax-dejin ah kolka neefta si deggen loo qaato. Wadaaddadii suufiyada ee aadka u soo dhaweeyey Yoga-da waxa ka mid ahaa wadaadkii Ghawth Shattari oo qoraallo uu ku difaacayo ka sameeyey.

Hay’adda ugu sarraysa culimada Malaysia sannadkii 2008dii waxa ay soosaartay fatwo ay ku mamnuucaysay ciyaarta Yoga-da iyada oo ku sababaysay in ay tahay ciyaar xidhiidh la leh diinta Hinduusamka.

Sannadkii 2009dii waxa sida oo kale mamnuucay ciyaarta Yoga-da midowga culimada Islaamka Indoonisiya, iyaguna waxa ay ku eedeeyeen in aanay ciyaar kaliya ahayn ee ay tahay ciyaar xidhiidh la leh diinta Hinduusamka.

Muftiga dalka Masar Cali Jumca ayaa isaga oo ku sugan dalka Singabuur mamnuucay ciyaarta Yoga-da. Sannadkii 2014 wasiirkii wasaaradda diinta ee Turkiga Cali Bardakoglu ayaa isna ciyaarta Yoga-da mamnuucay.

Qaab-jimicsiyeedka Yoga-da waxa ay isku mid yihiin shan qaab oo salaaddu leedahay. Tusaale ahaan; istaagga salaadda la taagan yahay waa ay leedahay iyada oo loo yaqaan Namaste. Rukuucda waa ay leedahay iyada oo ay u yaqanaan Ardha Uttanasana. Fadhiga dhexe ee salaadda waa ay leedahay waxanay ula baxeen  Varjasana. Sujuuddana waxa ay u yaqanaan Balasana iyo qaybta ugu dambaysa oo ah nuxurka salaadda oo khushuucda ah iyagu waxa ay u yaqanaan meditation ama fikir jimicsiga dhexdiisa ah.

Ciyaarta Yoga-da maanta waxa loo tixgeliyaa in ay u qaybsanto saddex dhadhaar oo kala ah jidh-dhis, maskax dejin iyo mid rooxaaniyad ah oo qofku si ruuxi ah u baxayo isagoo kula joogaa.

Qaabka ay reer Galbeedku uga qaateen waa midka jimicsiga. Midda labaad ee ay ka qaateen waa midka loo yaqaan maskax dejinta ah ee qofku mashquulka iyo daalka  doonayo in uu fakaag ka qaato isaga oo isticmaalaya neefqaadashada deggenaanta keenta ee Yogada. Tusaale ahaan, in qofku laba daqiiqo neefqadashadiisu ahaato mid deggen oo uu sanka ka qaadanayo afkana ka soo celinayo. Taas oo keenta in maskaxdu deggenaansho hesho oo isku buuqii ku furnaa ka nafisto. Labadaa daqiiqo waxa qofka shardi u ah in uu maskaxda u diido in ay fikirto.

Midda saddexaad ee rooxaaniyaddu waa midda salka ku leh diinta Buudhisamka, waana qaabka muudhka ah ee muddo badan qofku baxsanaanayo. Habdhaqankan saddexaad waxa loo yaqaan Yama. Yama-du waa qaabka loo dhaqmo kolka qaybtan saddexaad lagu gudajiro. Waxa shuruud u ah in fadhiga lugaha la is dhaafsado, si deggenna neefta loo qaato.

Waxa ugu weyn ee Yoga-du leedahay qaybtan saddexaad waa in qofku baxo oo khushuuc ahaan. Qaybahan waxyaallaha ugu xiisaha badani waa in qofku aaminsanyahay in uu xidhiidh la yeelanayo awood  isaga ka sarraysa, waa sababta dadka qaar Yoga-da ugu sheegaan in ay tahay diinta Dajaal. Buugga The Seduction Christianity waxa uu leeyahay, “Yoga waa diinta Dajaal (Antichrist).”

 

Culimada Islaamka ee aynu ka soo warranay waa kuwa dalalkooda lagu ciyaaro, halkay ka soo farcantayna jaarka la ah, dhammaan way diideen ciyaaristeeda, waxa aanay u diideen in ay salka ku hayso diinta dadka dab-caabudka ah.

 

Tixraac

https://arshadnaik.wordpress.com/2010/12/06/yoga-%E2%80%94-an-islamic-perspective/

https://www.emedicinehealth.com/yoga/article_em.htm#what_is_the_history_of_yoga

https://yogasix.com/history-of-yoga/

https://en.wikipedia.org/wiki/Yoga

 

 

 

 

 

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso