Madaxweynaha JFS oo Madaxtooyada ku qaabilay Wasiirka Maaliyadda Itoobiya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta Madaxtooyada ku qaabilay Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Dimuqraadiga Itoobiya Mudane Ahmed Shide.

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Dimuqraadiga Itoobiya Mudane Ahmed Shide ayaa Madaxweynaha soo gaarsiiyay dhambaal hambalyo iyo salaan ah uga siday Ra’iisul Wasaare Dr. Abiy Axmed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u xaqiijiyay Wasiirka sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’antahay nabadgalyada, xasilloonida iyo horumarka dhaqaale ee guud ahaan Gobolka Geeska Afrika.

Advertisement

Ku Xayeysiiso