Khatarta aqoon daro ee ka jirta goobaha iclaajyada dalka jsl

Dr buux ibraahim aadan
Nin buka boqol u tali waa qormada diirada qoraalkaygan fariin caafimaad sameecado waawayn oo lagu siraado dadka buka waa mid ka mida suuq galinta soojiidashada goobaha iclaajyada inta badan waxa u badan dadka buka ee raadinaya caafimaad haween aad u tara badan oo tuban goobaha iclaajyada ma jirto sifo lagu ogaan karo noocyada xanuunada ku qarsoon haweenkaas sida macaanka dhiigkarka marka ay daatan iyagoo miyir la doorsomay dhawaaqa sameecadaahas waawayn ee quraanku ka baxayo oo aad uga sareeya cabirka maqalka dhagaheenu ay maqli karaan argagax aad u xoogan ayaa ka jira goobahaas iyadoo marka ay haweenkaas ay la miyir doorsooman maqalka codka sameecadaha waxa uu sheekha iclaajku ku cabirayaa ogaanshaha xanuunka qofku la dhacay ama uu la miyirdoorsamay inuu yahay jin qofka buka ku jira ma jirto aqoon intaas u sii dheer oo ay ku ogaan karaan ama kula socon karaan xanuunada kale ee ku qarsoon qofka buka waxa u sii dheer faraha oo laga xidho jin saarista iyo biyo lagu rusheeyo qofka buka astaamahan waa shaqooyinka kasocda goobaha iclaajyada dalka oo loo aqoonsan yahay inay yihiin goobo caafimaad

Nin buka boqol u tali barigii hore ma ay jirin goobo iclaajyo sida ,maanta ganacsi gaar loo leeyahay uu noqday waxa ka iman kara aqoon darada shaqo ee goobahas khatar caafimaad tacadi xuquuqa insaanka
quraanka kariimka in la isku daaweeyo ilaahay baa quraankiisa ku sheegay in quraanku idiin daawo yahay intaa waxa dhaafsan ma sharcibaa mise waa sharci daro sida daawooyinka dhirta dadka maskaxda ka jiran in lagu hayo qolol cidhiidhi ah oo aan lahayn dhamaan adeegyadii caafimaad ee uu u baahna bukaha maskaxda ka jiran sida daawooyinka dimbirka goobahii nasashada etc
Barigii hore waxa loo gayn jiray sheikh ku akhriya qofka buka quraan ama cashar biyo quraan lagu akhriyey waxa soo raaci jiray traditional heeler daawo dhaqameed sida hilib daqlaha goyntiisa etc

Iclaajyadu goormay bilaabmeen shaqadoodu sharcigu ma u ogolyahay in ay dad maskaxda ka buka ay ku hayaan goobahooda dadka cilaajyada ka shaqeeya aqoon ma u leeyahiin shaqadan ay hayaan goobta cilaajku ma tahay goob loogu talo galay in lagu daryeelo dadka maskaxda ka jiran oo ay u dhan yahiin baahiyaadkii iyo adeegyadii caafimaad ee uu u baahan yahay bukahu sida dr maskaxda goobo nasasho takale waxa iswaydiin mudan side loola dhaqmaa xoriyada qofka maskaxda ka jiran ee lagu hayo goobahaas cilaajyada
Awooda dawladnimo iyo sharciga dalka ka jiraa ma jirtaa siyaasad cad oo lagula socdo dadka lagu hayo goobaha iclaajyada iyo xaaladooda daryeel caafimaad
Iclaajyadu waa goobo ay ka socoto shaqooyin badan oo midba nooc ay u taagan tahay waxa jira dalkeena iclaajyo aad u fara badan qaar ka mid ah waxa lagu bixiyaa dawooytin dhir ah oo dalka dibada uga yimaada qaar ka mida waxa lagu hayaa dadka ka jiran dhimbirka hadaba waxa haboon in la is waydiiyo aqoon intee leeg ayey u leeyahin iclaajka iyo dabiibkiisa dadka iska leh goobahan iclaajyada wasaarada caafimaadka Somali land maxaa uga qorshaysan goobahan iclaajyada iclaajyadu ma ku furan yahiin sifo sharci dawladeed ah
Xanuunka durada JINKA oo ay u badan yahiin dumarka side lagu kala garan kara xanuunka garashada maskaxa jinka sixirka isha marka dadwaynahu ay la xidhiidhayaan goobaha iclaajyada dumarka miyaan loo baahnayn dumar haya
iclaajyadu waxay samaysmeen waqtigii burburkii dawladii hore ee somaalia dalka waxa ka shaqayn jiray awooda shaqo caafimaad ee dawliga ah sida dhakhtarada farmasiyo xadidan iyo tayada daawooyinka dalka iman jiray oo ahaa daawooyin lagu kalsoon yahay waxa soo raaci jiray culumo wadaada oo quraanka kariimka wax ku dabiiba sida ilaahay yidhi quraanku waa idin daawo ee isku dabiiba hadaba waxa loo baahan yahay in dadka maskaxda ka jiran oo u baahan sharci caafimaad oo lagu daaweeyo lagula dhaqmo daryeelkooda caafimaad iyo goobo ku haboon oo loogu talo galay in ay ka helaan dhamaan baahiyaadkii caafimaad ee ay u baahnaayen
DR: Buux Ibrahim aadam EMAIL:Buux2010@gmail.com 063 4130821

Advertisement

Ku Xayeysiiso