Donald Trump oo si deg deg ah uga laabtay go’aankiisa ahaa in la duqeeyo Iran

 Madaxweynha Mareykanka Donald Trump ayaa amar ku bixiyay in diyaaradaha Military ee Mareykanku ay duqeeyaan Iiraan,sida ay baahinayaan warbaahinada Caalamka.

War Qoraal ah oo uu daabacay Wareggeyska Newyorka Times, ayaa sheegaya in madxweyne Trump uu bixiyay awaamiir la xidhiidha duqeymo ka dhan ah Iiraan,balse uu dib uga laabtay go’aankaasi markii ay diyaaraha dagaalku ay hawada galeen, ayna isku diyaariyeen duulaanka Iiraan.

Sidoo kale maraakiibta dagaalka Mareykanka ayaa dagaal u diyaar garoobey,ilaa iyo haatan Lama oga sababta go’aankaasi uu u qaatay Trump,balse wararka ayaa sheegaya in aysan la qabin Wasiirka Arrimaha dibadda Mike Pompeo iyo Johon Bolton oo ah,lataliyhaha amniga ee Trump.

Inkastoo xiisada Mareykanka iyo Iiiraan ay soo jiitamaysay, ayaa hadana Mareykanku ka cadhooday diyaarad ay lahayd Washington oo ay soo riday Iiraan,iyadoo ku sheegtay in si gar daro ah ku soo gashey hawada dalkeeda,diyaaradaasi oo la sheegay in qiimaheedu uu ku fadhiyay 130 Milyen oo Dollar.

Madaxweynaah Dalka Mareykanka Donald Trump ayaa xaruumaha uu amray in la duqeeyo waxaa kamid ah,dhismayaasha Raadeerka,iyo kuwo Militari,balse Iiraan ayaa sheegtay in ay is difaacayso ayna ka gorgortamin arrimaha qadiyada dalkeeda.

Dhanka kale Nanci Palosi  oo ah Guddoomiyaha Aqalka Congress-ka ee Mareykanak ayaa ugu baaqaday Trump in uu ka digtoonaado in uu isku sii furo xaalado cakiran,waxaana ay xustay in Mareykanku uusan haatan diyaar u ahayn dagaal lala galo dalka Iiraan.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso