Ma sharcibaa in loo adeegsado gagabin neefka geela waqtiga qaliinka xoolaha

Qore dr buuh ibrahim juba yaagubay
Neefka geela ma sharcibaa in bud lagu gagabiyo waqtiga qaliinka maxuu noqon karaa caafimaad qabka hilibkiisu ma xalaalbaa mise waa xaaran
Dawlada hoose ee caasimada hargeisa oo gabtay masuuliyadii iyo heshiiskii shirkada gaarka loo leeyahay waa in ay dib u eegis ku samaysaa kawaanka qaliinka caasimada oo aad u dayacan xaaladiisa nadaafadeed waa in shirkada maandeeq kawaanka xoolaha ee maandeeq kor u qaadan nadaafada hilibka iyo goobaha
sariibadaha ganacsi ee dalka si iib dibadeed loogu helo qalinka hilibka xoolaheena sayladaha suuqyada ganacsi ee caalamka bulshaduna u hesho hilib fayo qaba oo fresh ah
Xaalada nadaafadeed ee kawaanada dalka oo aan wanaagsanayn marka la barbar dhigo kawaanada dalalka jaarka iyo shirkadihii oo uu ku yimid dib u dhac waxqabad horumar shrkadeed dakhliga kazoo gala qaliinka xoolaha nool oo aan dabooli Karin horumarka shaqo ee shirkadaha dalka
Waa in uu jiraa nidaam maamul ee shirkadu kula socon karaan qaliinka xoolaha ee kawaanka si looga sooci karo neefka bakhtiga hilibkiisa neefka buka ama tuugada ah waa in hilibka kawaanada dalku uu lahaada shaambad qalalan oo cadaynaysa in neefkaas kawaanka shirkada lagu soo qalay nidaam sharciya hilibkoo bacaysan
Waa in markasta aynu ilaalinaa daryeelka caafimaad ee xoolaha nool korna loo qaada shuruucda shaqo ee fayaqabka iyo kawaanada maamulkooda shaqo si aynu ugu heli karo in dalkeenu dibada u iibgeeyo xoolo hilib fresh ah oo caafimaad qaba shirkadaha kawaanada maamula dawlada hoose ee dalku waxay xaq u leeyahiin in ay ku sameeyaan kormeer joogto oo shaqo maalinkasta xaalada nadaafada kawaanada iyo qalinka hilibka xoolaha nool lagu sameeyey goobta shirkadii buuxin shuruudaha shaqo ee laga rabo in sharciyan dib looga qaado heshiiska ruqsada shaqo lala galay dibna loo iclaamiyo shirkad ka waxqabad badan ma aha in dawlada hoose ee dalku heshiis qarsoon ay kula jiraan shirkadaha

Dadku waxay ku bixiyaan lacagta qaliinka xoolaha nool si shirkadaha gacanta ku haya kawaanada dalku ay ugu keenan qaliinka hilibka neefka isagoo laga soo shaqeeyey meherada ama goobta sariibadaha dalka
Dhaqaalaha yaraan Shirkadaha oo aan haysan gadiid u ku xidhan yahay qaboojiye si loo ilaaliyo fayaqabka qalinka hilibka waxa ka iman kara xanuuno keena waxyeelo caafimaad
Goorma ayey bulshadu heli karaan hilib fresh ah oo lagugu qalay bisimka allah si fiican loo diyaariyey weelka hilibka lagu ridayo goobta sariibada ee lagu iibinaayo oo si fiican loo soo baadhay fayaqabka qaliinka xoolaha nool
Kawaanada dalku waxa hore gacanta ugu hayey maamulka dawlada hoose ee dalka markii ay noqotay mid dawlada hoose ay dabooli kari waayeen nadaafada shaqo ee qaliinka hilibka ayaa lagu wareejiyey shirkado private ah oo gacanta ku haya mamulka kawaanka magaalooyinka si ay ugu diyaariyaan bulshada hilib fresh ah oo la soo mariyey baadhista caafimaadka qaliinka xoolaha
Waxaad mooda in shirkadihii loo dhiibay masuuliyada qaliinka xoolaha nool in ay ka jirto kawaanada dalka dayac shaqo oo nadaafad xumo keeni kara waxyeelo caafimaad daro oo ka iman karta qaliinka xoolaha sida hadii ayna wanaagsanayn nadaafada maslakha qaliinka nadaafada gadiidka keesaska hilibka nadaafada sariibadaha ganacsiga ee suuqa
Kawaanku waa in uu ku yaala goob ku haboon oo ka fog dhiska caasimada oo jirto hawo iyo biyo ku filan oo joogta ah ka xafidan xayawaanka sida eyda oo ay ka hawlgalayaan drs xanaanada xolaha iyo wasaarada caafimaadka oo si wada jir ah ula socda fayo qabka xoolaha lagu qalayo kawaanka maalinkasta si loogu diyaariyo bulshada hilib nadiif ah oo lasoo baadhay oo ay ku taalo shaambadii fayo qabka xoolaha
Hadii nadaafada diyaarinta qaliinka xoolahu ay la kulanto inyar oo khalad nadaafad daro waxa imankara in dhamaan ay bulshadu ku xanuusato cunista hilibka qaliinka xoolaha ama ay ku sumoobaan

Waxa iyana meesha ka baxday in aanay jirin kormeer shaqo oo lagula socon karo qaliinka xoolaha iyo shirkadaha gacanta loo galiyey kawaanada dalka oo uu ka muuqdo dayac shaqo nadaafad xumo iyo masuuliyad daro
Hilibka qalinka xoolaha iyo qashinka hadhaaga qaliinka waa in shirkada ka masuulka ah kawaanada ay geeyaan goob dump sites oo gaar ah oo dareeraha dhiiga iyo hilbaha loogu talo galay oo ka fog deegaanka magaalada si loo ilaaliyo fayaqabka bulshada ku nool magaalooyinka dalka kuna hawl galaan gadiid loogu talo galay qashin qubka kawaanada dalka
Waa in shirkaduhu ay ilaaliyaan kawaanada iyo nadaafadooda si aanu u noqon kawaanadii iyadoo xoolaha lagu qalayo ur iyo riiixad qadhmuun aan loo gali jirin dayacnaana eydu iyo waraabuhu ay weerari jireen xoolaha la qalayo ee kawaanka lagu qalayo

Shirkaduhu waxay samayn karaan qorshe dib looga faaidaysto noocyada hadhaaga hilibka oo dib shirkadu ay uga heli karto dhaqaale abuur sida xiidmaha iyo dhiiga hadii ay shirkadu keenan mishiinadii dib loogu nadiifinaayey looguna diyaarinaayey waa hadii ay shirkadu ku shaqaynayso aqoonta shaqo ee maamulka kawaanada dalka

WQ: Dr Buux Ibraahin Aadan
Fayo-dhawre madax bannaan
buux2010@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso