Madweynaha Somaliland Muse Biixi oo Shacabka Somaliland ka tacsiyeeyey Geeriga ku timid Xildhibaan Aareeye

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa Golaha Baarlamaanka gaar ahaan golaha wakiilada Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Cali Sheekh Ibraahim Aareeyeoo ku geeriyooday dalka Turkiga Xalay oo ay taariikhdu tahay 05/06/2019.

 

 

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey xildhibaan qaran oo ka baxay guud ahaan bulshada Jamhuuriyadda Somaliland, muddo dheerna u shaqaynayey qarankiisa, isagoo dawladii marxuum Cigaalna ka soo noqday wasiirka wasaaradda dhaqanka iyo dalxiiska, 2005-kiina ku soo baxay doorashadii golaha wakiilada Somaliland oo uu ka mid ahaa hadda, laguna xasuusan doono xildhibaanka  waayo aragnimo, karti iyo aragtidiisa waddanimo.

 

 

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo Baarlamaanka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo guud ahaan shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Advertisement

Ku Xayeysiiso