Ciidanka Kenya iyo Maleeshiyad Alshabaab oo ku dagaalamay Waqooyi Bari

Wararka ka imaanaya dalka Kenya ayaa sheegay in iska hor imaad u dhexeeya ciidamada dalkaasi iyo maleeshiyaad la aaminsanyahay in ay ka tirsan yihiin Alshabaab uu ku dhexmarey deegaan u dhow magaalada Bandheere ee gobolka Waqooyi Bari ee Kenya.

Guddoomiyaha gobolka Waqooyi Bari ee Kenya Mohamed Birik ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ciidankooda ay la dagaalameen maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab oo weerar  soo qaaday,wuxuuna xusay in 1 qof ay ka dileen,islamarkaana dhankoodi uu 1 askari kaga dhintay dagaalkaasi.

Deegaanka Fino oo weerarka  uu ka dhacay 24 saacadood ee la soo dhaafay gudahooda ayaa qiyaas ahaantii 6 KM u jira xadka ay wadaagaan labada dal ee Kenya iyo Somaliya,waxaana uu hoostaga magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari ee Kenya.

Hay’adaha sirdoonka Dalka Kenya ayaa sheegay in goor sii horeysay ay heleen xogo ku saabsan in maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab ay qorsheynayeen weeraro ay ka geystaan gudaha dalkaasi mar kale,balse laga hortagay.

Mohamed Birik ayaa sheegay ay soconayaan howlaglo ballaadhan,isagoo intaasi ku daray in ay ku raadjoogaan ragii weerarka soo qaaday.

Kooxda Alshabaab ayaa dhowr jeer waxaa ay weeraro ka geysteen gudaha dalka Kenya,iyadoo dhawaan dowladdu ay soo saartay digniino ku aadan weerarada Alshabaab ay qorsheynayaan.

Advertisement

Ku Xayeysiiso