Xoghayihii amniga gudaha Mareynkanka oo is casishay

Xoghayihii amniga gudaha Maraykanka Kirstjen Nielsen oo mas’uul ka ahayd qorshaha muranka badan dhaliyay ee siyaasadda socdaalka ayaa xilkii iska casishay.

Madaxweynaha Mareynkanka Donald Trump,ayaa axaddii shalay ahayd shaaciyay iscasiladda Haweeneydan ahayd Xoghayihii amniga gudaha Maraykanka Kirstjen Nielsen,wuxuuna madaxweynaha hoosta ka xariiqay inuu sii xoojinayo siyaasadda arrimaha socdaalka ka dib markii ay soo ifa-baxeen murano dhanka xuduudaha la xidhiidha.

Kirstjen Nielsen oo ah Haweeneyda is-casishay ayaa ku tilmaamtay “Sharaf” in ay ka shaqaynaysay wasaaradda amniga gudaha,islamarkaana isbedel la taaban karo ay ku sameysay mudadii ay xilka heysay.

Trump oo markiiba bartiisa Twitter-ka qoraal soo dhigay ayaa sheegay in xilka ay banaysay haweenayday uu buuxin doono agaasimaha Laanta Canshuuraha iyo Illaalinta xudduudaha Kevin McAleenan.

Waxa ay haweenaydan mas’uul ka ahayd hirgalinta qorshaha gidaarka iyo kan ka hortagista dadka soogalootiga ah, gaar ahaan in la kala sooco carruurta iyo waalidkooda muhaajiriinta ah.

Ma aysan sheegin wax sabab ah oo ay xilka u banaysay, balse waxa ay sheegtay in ay tahay waqtigii ugu haboonaa ee an xilka ka degto marka la barbardhigo kolkii ay maamulka ku biireysay.

Advertisement

Ku Xayeysiiso