Doorasho kasta uma baahnin!

Diinteena islaamku waxay inoo jideysay waxkasta oo maslaxada fardiga iyo ummadu ku jirto taasoo wanaag inoo horseedeysa amaba aan laba dhibaato keeda yar ku kala dooranayno taasi waa sababta aan dimuqraadiyada u qaadanay.

Somaliland waxaa loogu dawgalay doorasho aan dhamaanin oo sanadkasta taagan sida carabtaba dictator loogu haysto loona diidanyay wax doorasho ah waxaa muhiima in caqligu shaqeeyo in doorasho xora oo xalaal ah oo ay helaan keliya aya umado dhan oo malaayiin ahi oo carbeed meelay u maraan layiin kuwo kale markay nidaamkoodii qaateen oo caalamku la fajacay xalaalnimada doorashooyinkooda ayaa lagu afgamibiyey amaba aqoonsigii lagala noqday
Hadaba waxaa isweydiin mudan sirta ka danbeysa doorashooyinkan faraabatay ee reer galbeed inala daba taaganyiin maslaxada ugu weyn ee ay uga danleeyiin waa maruun madaxa haysla galeen kadibna intoo marba warqad yar ay soo saaraan hadba xisbi ay garabka saaraan si mashruuc dagaal sokeeye dalkan uga bilaabmo kadibna khayraadkiisa loo hantiyo somaliland iyadoo intan ka itaal yar ayaanay gaalo waxba uga baahan hal dollar kolay kutay waa shay lala yaabo ayna u qaadan waayeen inaan halkaa soo gaadhno inagoon wax taageera ah aan helin waana tan laga xunyay

Dalkan hadaynaan u fekerin meel dheer baa laga eegi xaalada dalku ku jira markastana in la qiimeeyo u baahan dhaqaale inagaa isku filan saancadaale khayr uu inoo soo sido haku daalin la gorfee waxay kuula yimaadaan kadib caqligaaga la kaasho

Dalkeenu doorasho kasta uma baahna waxaa u baahanay doorasho aan xariiqi ka dhalan ruux ku dhinta ha joogee

Qore
Ustaad: – Abdiaziz Awil Adar
Bare jamacadeed qoraa iyo falanqeeyey arimaha siyaasada
Facebook account: – Ustaad Al-Aziz Awil

Advertisement

Ku Xayeysiiso