Saluug Badanaa Siyaasada Kulmiye
Is-Casilaadii Mudane Ambassador
Aadan Muuse Jibriil
Afeef:
“Qoraalkani kama afcelinayo aragti xisbi ama urureed. Wuxuu qoraalkani ka afelinayaa xaalada jirta, waxaanu buuxinayaa kaalintii mucaarid xilgabka ah ee ka gaabiyey toosintii xukuumada iyo xukuumada oo hoosba isku eegi wayday oo ismahadisay.Waxaaney noqonayaan qoraalo joogto ah ogolaanshaha Eebbe ”.
Hordhac:
Ololihii Xibisga Kulmiye markaad dib u eegto waxaad dareemaysaa in ay ugu xoog badnaayeen wax ka qabashada kala fogaanshaha ummada iyo siyaasada arimaha dibada ee fadhiidka noqotay toban ku dhawaadkii gu’ ee ugu danbeeyey uuna xilka hayey Kulmiye. Sida summada hoose ee qoraalku tilmaameyso qoraalkani wuxuu iftiiminayaa ka gaabinta Xukuumada Kulmiye ee dhinaca siyaasada arimaha dibadda.
sow in wixii layga dhacay soo dhacsado maahasow inaan dhamays tiro wixii iga dhinaa maahasow inaan dhigaygaan ka hadhay dherertanaa maahasow inaan ka dhawrsado waxaan ii dhadhamin maahaMaansadii Dhanbaal , Abwaan Cali xasan Bamfas (IHUN)
Bulshada reer Soomaaliland oo u dhan ayaa shirkii Burco ee May 1991kii go’aan midaysan ku gaadhey in Jamhuuriyada Soomaaliland ay dib ula soo noqotay Maandeeqdii ay u boqno gooyeen isku keenida shanta qoomiyadood ee Soomaaliyeed. Jiritaanka qaranimada dalka Jamhuuriyada Soomaaliland waa ta midaysay bulshada reer Soomaaliland bari ilaa galbeed.
“Aqoonsiguna anwaac badan ayuu leeyahay, aqoonsigu waa mid mar naftaada ka dhalata, midna waa mid dibadda kaaga timaada. Ta naftaada ka dhalata haddii aad xaalaadkaaga hagaajiso iyadoo aan dibadda cidi kaa aqoonsan ayaad waligaaba dawlad ahaan kartaa bal Taiwan eeg imisa sannadood bay jirtay, Shiinaha weyni imisa sannadood baan la aqoonsan. Ha yeeshee dawlad itaal yar sida tan Somaliland ee dhalaneysa oo dunidii u baahan oo dalka ila dhisi lihi aqoonsi gudaheeda oo kaliyii kuma filnee aqoonisga dibadana way u baahan tahay ,taana waanu hubnaa inuu imanayo marka aanu u samirno waayo gar sharciyana waanu haysanaa, xaqna waanu haysanaa,ummadana ma jujuubaynee afti baanu ka qaadeynaa, lamana arag aduunka meel la yidhi shacbigaasaa qaraarkaa qaatey oo xaqiisa waa lagu tumanayaa meel ay sharciga aduunka kaga taalaa ma jirto , markaa annaga iimaankayagu aad buu u weyn yahay” ayuu yidhi Marxuum Ibraahim Maygaag oo u waramayey muuqaalsidaha RTD (TV-ga Jibuuti).
Bishii Maarso 9dii ee gu’gii 2018kii ayaa waxaa soo baxdey in uu xilkii arimo dibadeed ee uu hayey mudane Aadan Muuse Jibriil iska casiley. Mudane Aadan Muuse Jibriil wuxuu hayey xilka ah inuu ahaa Wakiilka Jamhuuriyadda Soomaaliland u qaabilsan ururka Midowga Afrika iyo IGAD. Xilkaa mudanuhu wuxuu hayey muddo ku dhaw 2 gu’. Waxaa xilkaa loo magacaabey 8/ 15/2016,waxaanu iska casiley 9/3/2018.
Dad fara badan oo aqoon dheeraad ah u leh ayaa arintaa ka biyo diiday aadna uga xumaadey. Waxay iswaydiiyeen Mudane Aadan Muuse oo runtii xilaai hayntiisa wax badan dadka iyo dalka Soomaaliland ugu qaban lahaa waxaa ku kaliftay inuu iska casilo.
Maalmo ka dib waxaa warbaahinta soo gashey ogaanshaha sababaha ku kalifay inuu xilkaa iska casilo mudane Aadan Muuse Jibriil iyo inuu warqada ay sababahaasi ku faahfaahsan yihiin u gudbiyey wasiirkii hore ee Arimaha Dibada Dr. Sacad Cali Shire iyo Madaxeyne Muuse Biixi Cabdi. Sidaa darteed ayaa dadkii waxaa gashey ididiilo hor leh oo ay malahooga ku sarifeen inaanu Madaxeyne Muuse Biixi yeeli doonin iscasilaadaa ee uu wax ka qaban doono sababaha keenaya iscasilaada oo muujinaya sida aaney dawladii Madaxweyne Axmed Maxamed Siillaanyo ugu heelaneyn hawlaha ku saabsan wax ka qabashada arimaha dibada.
Mudane Aadan Muuse wuxuu ku bilaabey warqadiisa iscasilaada ee ku socotay madaxweyne Muuse Biixi sidan: ““Mudane Madaxweyne; Markaan yaqiinsaday in aan keli ku ahay fekerka iyo qaab-hawleedlka loogu baadigoobi karo aqoonsiga Somaliland, kaas oo ka duwan kan caadiga ah ee ku salaysan in madax shisheeye lala kulmo, ayada oo aan lahayn qorshe iyo jaangooyo, iyo kala mudnaan dalalka dunida, iyo ayada oo aan laga fekerin dib-u-eegid iyo wax ka bedelid lagu sameeyo siyaasadda Arrimaha Dibedda, taas oo 27kii sannadood lagu socday oo ila haddana waxba dhali weeyday, markii la iibin kari waayey guulaha taariikhiga ah ee laga gaadho dalka gudahiisa”.
Had iyo jeer waxaad arkeysaa Dr.Saad Cali Shire oo la kulmaya rag iyo dumar ajnabi ah, ka dib u sii hogaaminaya guriga madaxtooyada si madaxweyne Muuse Biixina isku sawiro khawaajayaashaasi, ka dibna Tv-ga Kulmiye ee si aan mudnayn loogu magacaabo TV-ga Qaranku ku celceliyo baahintooda. Hase yeeshee kulanaadaasi oo dhan marka la isku wada daro sawiradaa quruxda badan wax dhaafsan oo dal iyo dad uga soo kordhay ma jiraan. Waa igu sawira iyo qawda maqashii. Sidaa darteed ayuu mudane Aadan Muuse ka biyo-diiday inuu intuu madax shisheeye la kulmo u soo diro dalka iyo dadka si u moodayaan inay guul soo wadaaan. Waxaa kaloo uu sugay in siyaasada arimaha dibada ee dalka Soomaaliland ay baahi weyn u qabto in dib u eegis iyo dibu-habeyn lagu sameeyo.
Wuxuu Mudane Aadan Muuse sugay in siyaasada Soomaaliland ee sii hagaaftey mudadii uu xilka hayey xisbiga Kulmiye u baahan tahay in wax weyn laga badalo. Isbdadlkaa si loo sameeyo waxay saameyn lagama maarmaan ah ku yeelaneysaa dhamaan shaqaalaha wasaarada arimaha dibada ee uu ugu horeeyey wasiirkii Dr. Sacad Cali Shire oo sawirka shaahashada ku wanaagsan hase yeeshee aan loo tirin inuu u heelan yahay irbad dun galinteed,uuse hayo niyad wanaagsan. Waana halka uu Dr Sacad ka helay naaneysta ah Sacad Naïve. Taasi oo ka turjumeysa inuu Dr Sacad ku hagayey wasaarada arimaha dibada niyad wanaag aan wadan waayo-aragnimo iyo aqoon xeel –dheer. Maanta aduunku iskuma naxo, niyad wanaagna looma wada socdo ee danaha la kala leeyahay ayaa isku xidha dalalka aduunka. Waa arimo aan u bilaabneyn Dr.Sacad iyo shaqaalaha u hogaaminayo. Sidoo kale wasiirka cusubina ee Dr Fartuun wasaarada waxbarashada ayuu ka midho dhaliyey poo ku fiicnaan lahaa sii haynteeda. Wasiir la badalao meeshu aahee waa dibu-habeyn dhameystiran oo lagu dhamaan wasaarada iyo siyaasada ay ku hawlgasho.
Mudane Aadan Muuse wuxuu soo bandhigay sababaha uu ku cadeynayo inaan siyaasada arimaha dibada ee uu hogaanka u hayo Kulmiye la jaanqaadeyn siyaasada aduunku maanta marayo. Waxaanu mudane Aadan mar kale ku sheegay warqadiisaa tusaaleyaal dhawr ah oo uu ka mid yahay : “Tusaale ahaan, markii aan bishii June 2016kii Hargeysa keenay shirkii cilmi-baadhista ahaa kuna saabsanaa midaynta labada qaab ee dhisma-maamuleed ee Africa “The hybrid political and Security governance in Africa” oo aannu xoog weyn ku bixinay aniga iyo Akademiyada Nabaddu. Kaas oo ay ka soo qayb galeen 13 dal oo Afrikaan ahi iyo toddoba aqoonyahan oo ka mid ah kuwa ugu caansan Afrika, kana kala yimi gobolada Anglofoonka iyo Frankofoonka Afrika intaba.Nasiib darro waxay ahayd markii cid garan karta qiimaha iyo kaalinta ay qaddiyad aqoonsiga Somaliland ka qaadan karto aqoonta iyo aqoonyahanka laga waayey Wasaaradda Arrimaha Dibedda”.
Aduunka maanta waxaa hagga ee siyaasad dal lagu badali karo waxaa ka mid ah in si cilmiyeysan ay aqoonyahanadu uga doodaan una soo bandhigaan gunaanadka baadhistooda dalalka ay ka kala socdaan. Taasi ayuu ka duulayey mudane Aadan Muuse Jibriil markuu soo hogaaminayey aqoonyahanadan ka kala socdo labada qaybood ee gumaysigii Afrika hagayey waa qolada afka Faransiiska ku hadasha iyo qolada Afka Ingiriisiga ku hadasha (Francophone and Anglophone African Countries). Bal akhriste u fiirso dalka Soomaliland ayaa martigaliyey aqoonyahanada ka socda dalalka intaa tiro leeg, ka dibna aqoonyahanadaasi waxay ku noqdeen dalalkoogii oo warbixintaa la wadaageen warbaahinta dalalkoodii. Arinta oo halkaa mareysa ayey xukuumada Soomaaliland-na xidhiidh la sameysay dalalkaa si ay gunaanadka warbixintaasi kala hadasho madaxda dalalka. Waa sida aqoonayhanada iyo dawladaha aduunku uwada shaqeeyaan. Waaa halkii Maxamed Siciid Gees ee “maxaa kuu baxey”.
Kulanadaa iyo doodahaa oo warbaahinta Soomaaliland u hawlgasho soo baahintooda, wareysiyo laga qaado aqoonayahanada ka soo qayb galay, aqoonyanada Soomaaliland qoraalo ka qoraan, warbaahinta caalamkana lala wadaago si ay ay dalalka aduunku u arkaan halka Soomaaliland taagan tahay… Aheey ah hilib la soo bisleeyey ayaa loo keenay oo ay wasaarada arimaha dibada, wasaarada warfaafinta , golayaasha qaranka, madaxtooyada Kulmiye, iwm cunistiisa garan waayeen, horaa loo yidhi doqoni saaftin caro loogu riday galad ma moodo!!! Kulmiyena waa kaa!!
Waxay dhacdadani i xasuusiay gu’ ay Akademiyada Aqoonta oo uu markaa joogeen Maxamed Siciid Gees iyo Boobe Yuusuf Ducaale la xidhiidheen ururka MO Ibraahin Foundation si Somaliland loogu daro dalalka Afrika ee abaalmarinta lagu siiyo maamul-wanaaga iyo doorashooyin xalaala oo ka dhaca. Nasiib Daro xukuumada Kulmiye aad bey uga dhago la’ayd dareenka iyo guushaa loo soo bisleeyey inay ka hawlgalaan. Markii xukuumada Soomaaliland ee Kulmiye hagayo laga waayey garabgal ayey hawshaasi noqotay hal-bacaad lagu lisay. Gu’gii 2003 ayaan qoray qoraal aan ummada dareenkooda ku soo jeedinayey oon ku suntay “ Kulmiye iyo SNL maxay wadaagaan”…Hase yeeshee bulshadeena oon taariikhda u heelaneyn, kuna saleyn horumarkooda ayaanu dareenkooda waxba ka badalin qoraalkaasi.
Ka daroo dibi dhal, arintii iscasilaada mudane Aadan Muuse Jibriil waxay sii murugtay oo dadkii yaab ku noqotay markuu isla qoraalkaa ku soo bandhigay inaanu ku dhawaad laba sanno haysan waraaqdii cadeynaysay in xilkaa loo magacaabey si uu ula wadaago madaxda midawga Afrika iyo ururka IGAD. Waxaanu mudane Aadan qoraalkiisu ahaa sidan : “Markii la ii magacaabay Safiirka AU iyo IGAD, 8/ 15/2016, oo haddana ilaa maanta (9/3/2018) la ii soo diri waayay warqadii aqoonsiga ‘Credential Letter’ si ay hay’adahaasi iigu aqoonsadaan masuuliyada la ii magacaabay”.
Akhriste bal u fiirso , waxaa ka muuqata meesha inaanu Mudane Aadan Muuse diidaneyn wax u qabadka dalkiisa iyo dadkiisa ee uu la’aa taageeradii xukuumada uu ka tirsanaa. In xil la iska casilo waa ku ugub bulshada Afrika, qofka xilka loo magacaabey isagoo arkaya hab-dhaqanka gefsan ee dawlada uu ka tirsan yahay ayuu danihiisa gaarka ah eegaa iskana dhex fadhiyaa, marka xilka laga qaadana afka furtaa, waa mar ay xeedho iyo fandhaal kala dhaceen, uuna waayey danihiisa gaarka ahaa.Hase yeeshee waxaa halkan ka cad in mudan Aadan Muuse Jibriil uu laayahay agabkii uu xilkiisa ku fushan lahaa, diidan yahayna inuu iska kambadhuudho meel cidlo ah oo mushahar xaaraan ah iska qaato, hadda mushaharkaasi waa cashuurta laga qaado dadka dan yarta ah ee ku dhaqan dalka Soomaaliland.
Qoraalkaasi wuxuu xambaarsan yahay tusaalayaal tiro ah, sababo badan oo muujinayaa inaanu helin taageerada xukuumadeed iyo wasaaradeed. Sidaa darteed ayuu qoraalkiisa ku soo gunaanadey mudane Aadan Muuse : “Ugu dambaystiina markii ay soo korodhay fadeexad weyn oo ku saabsan sharikad aan la caddayn waxay tahay oo la yidhi waa Maal-gashi, taas oo si ballaadhan warbaahinta ugu faaftay oo maanta dul-hoganaysa wasaaraddan.Taas oo abuurtay xaalad shaki bulshada Somaliland ku riddey oo aan qof damiir waddani ah lihi qaadan karin. Arrimahaas oo dhan oo isbiirsaday, oo aanan rabin in aan hoos u sii galo ayaa igu khasbay in aan, Mudane Madaxwyne kuu soo diro istiqaaladan. Aniga oo diyaar u ah ka qaybqaadashada qaddiyada dhismaha nabaddaa, dawladnimada iyo dimuqoraadiyada, arrimahass oo ay dhextaal u tahay joogteynta dib u heshisiinta ummadu. Mahadnaq iyo qadrin weyna iga gudoon”.
Dadka aad ula socda siyaasada dalka Soomaalialnd waxay filayeen inaanu iscasilaadan yeeli doonin Madaxweyne Muuse Biixi, una hawlgali doono inuu wax ka qabto dhaliilaha dul hoganaya wasaarada arimaha dibada. Hase yeeshee waxaa dadkii iyo dalkiiba la yaab ku noqotay markii weriye ka socday warbaahinta madax banaan dul maray sababaha keensaday inuu Mudane Aadan Muuse ee ku xardhanaa warqadaa,ka dibana waydiiyey madaxweynaha go’aankiisa uu ka qaatey arintaa.
Madaxweyne Muuse Biixi oo aan faahfaahin galin si ay ka muuqato inaanu hoosba u eegin qoraalka ku xardhan warqada iscasilaada si habacsanaan ah u yidhi “ Haa waan ka aqbaley iscasilaada”. Muddo ka dibna wuxuu magacaabey mudane Cabdilaahi Maxamed Ducaale.
Halkuu madaxweyne Muuse eegi lahaa sababaha iscasilaada iyo wuxuu ka qaban karo ayuu raacey xeerkii ahaa reerka ka dhex raadi qof kale.
Reer aan ogahay ma guuro ayaa hore loo yidhi. 1964kii ayaa dadyowga ka soo jeeda wadanka iminka ah Soomaaliland ka biyo-diideen midawgii Soomaaliya iyo Soomaaliland. Sidaa darteed ayaa dhacdooyin badan oo dhacey ilaa 1960 dareen xoog leh muujin waayeen, si loo sii xoojiyo dareenkaasi ayaa gu’gii 1964kii waxaa xukuumadii Jamhuuriyada Soomaaliya iska casiley labadii wasiir ee ku jiray kana soo jeeday dalka iminka ah Jamhuriyada Soomaaliland. Labadaa wasiir waxay kala ahaayeen mudane Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal (IHUN) oo ahaa wasiirka Waxbarashada iyo Sheekh Cali Ismaaciil ((IHUN) ) oo ahaa wasiirka gaashaandhiga.
Xukuumadii Aadan Cade iyo Cabdirashiid ayaa halkey cabashada iscasilaada wax ka qaban lahaayeen,is waydiiyeey reeraha ay ka soo jeedaan labadaa wasiir, raadiyey laba kale oo ka soo kala jeedaha isla reerahaa, waxaaney soo heleen xilalkiina u kala magaaceen Yusuf Isaamaciil Samatar((IHUN) ) loona magacaabey wasiirka waxbarasahda iyo Xaji Ibraahim Cismaan Food ((IHUN) )oo loo magacaabey wasiirka Ganacsiga &Warshadaha..Waa hab-dhaqankii laga dhaxley gumeysigii Talyaaniga iyo Ingiriiksa ee ku saleysnaa qaybi oo xukun biyo-dhaciisuna ahaa qawda maqashii oo waxba ha u qaban… Dadku may gefsaneyn markey yidhaahdeen Madaxweyne Muuse waa Muuse Handaraab. Malaha handaraabku maba xumee, inuu u meel dayo meeshuu u adeegsanayo ayaa mudnaan laheyd , waan aqbaley (waan handaraabey, aan soo xidhay arintaa) meesha kuma habooneyn .. Meel waliba leh weedh ku haboon!!!!!!
Abwaan Qaasin(IHUN) ayaa markuu arkey xukuumadihii rayidka ahaa yidhi:
Isma doorin gaalkaan diriyo daarta kii galayee,
Dusha midabka soomaalibaad dugulka moodaayee,
Misna laguma diirsade qalbigu waadirkii Karal’e
Qalinkii iyo tifatirkii
Fu’aad Sheekh
Bahda Mareegaha Farshaxan