Qasaali: Xujadii Islaamka

Qasaali: Xujadii Islaamka

“Si aad u hesho waxa aad jeceshahay waa in aad ku sabirtaa waxa aad neceb tahay”

Qasaali; Aragtiyihiisii Heesaha iyo Gelidda Jinka

Inkasta oo aanu isagu ahayn qofkii ugu horreeyey ee banneeya heesaha dhagaysigooda haddana waxa uu yahay qofka ugu caansan ee loo xujaysto bannayntooda. Kolka laga yimaaddo daliilaha uu u keeno bannayntooda waxa uu leeyahay hal-ku-dheg caan ah oo uu ku sheegayo qofka heesaha dhagaysigooda aan ku raaxaysani in uu qabo xanuun aan daawo lahayn. Hal-ku-dheggani waa midka ka dhigay astaan lagu garto bannaynta heesaha.

Jiritaanka Jinka dood kama taagna oo Quraanka iyo axaadiista ayaa caddeeyey, se waxa muranku yahay Jinku dadka ma galaa? Aqoonyahan ayaa aaminsan aragtida ah in aanu Jinku dadka geli karin. Waxa ugu cadcad Abu Xaamid Qasaali, Qaradaawi, Shawkaani, iyo Raasi. Abu Xaamid Qasaali doorkanna waxa uu soo galay kaalinta kowaad ee ragga arrintan ku-dheggan.

Macallimiintiisii iyo ardaydiisii

Macallimiinta Qasaali waxa ugu weyn wadaadka ka midka ah dhidibbada mad’habta Shaaficiyada ee Abu Mucaali Juwayni. Sidoo kale Qasaali waxa uu yeeshay arday badan oo dabadii loo aayey, Cabdiqaadir Jaylaani, Abu Bakar Al-carabi, Maxamed Bin Yaxya Mansuur,  Axmed Al-xamqadi iyo arday badan.

Qasaali Maxaa aynu ka Faa’idaysanaynaa?

Qasaali oo ahaa wiil saboolnimo ku soo koray oo nolosha inta adag hore u soo dhadhamiyey, markii uu weynaaday waxa uu noqday macallim arday badan yeeshay, nolol aad u sarraysana galay, tabcadayna adduunyo badan. In kasta oo uu kasbaday lacag wax badan u qabata, haddana nafdiisu kuma aanay daganayn in uu ku mashquulo adduun tacab. Qasaali waxa u muuqatay adduunyo in aanay raadkiisa waarinayn, se aqoonta uu faafinayo iyo aragtiyaha uu soo kordhiyaa ay ka dhigayaan qof geeridiisa dabadii maanka aadanaha ka sii dhexguuxa. Dhabbadaa kolkii uu qaaday waxa uu soosaaray buug badan iyo arday aqoonyahannoah oo isaga ka aflaxay raadkooda aqooneedna la qiimeeyo. Qasaali haddii uu macallin shaqaysta noqon lahaa maanta ma uu noqdeen ninkaa daraasadaha badan laga sameeyey. Qasaali waxa aynu ka faa’idaynaa waa dhowr arrimood:-

  • Faa’dada ugu weyn ee qof kasta oo damiirkiisu noolyahay ka dhaxlayo Qasaali ayaa ah in kolku isdareemay in magaciisa caanbaxay, hantidiisa badan, sumcaddiisuna meel sarraysa gaadhay ay qabgelisay in uu ka dhex dhaqaaqay intaasba. Sababta uu tallaabadaa u qaadayna ay ahayd in yoolkiisu ka weynaa quudkiisa.
  • Maalintii kaalintiisa aqooneed loo baahnaa in aanu danaysan.
  • In uu aqoonta lafteeda u baranjiray in uu aragtiyaha khaldan ummadda uga saxo. Tusaale waxa kaaga filan in uu muddo wakhti siiyey barashada falsafadda. Uma uu baran in uu ku bariseeyo se leexin bulsheed oo xilligaa jirtay ayaa ku kelliftay in uu barto isaga oo ummaddiisa u damqanayey.
  • In uu lahaa aragtiyo badan oo dunida saameyn ku yeeshay, taas oo muujinaysa in uu dedaal sameeyey maskaxdana uu tuujiyey.
  • Sida uu isugu jaan-gooyey noloshiisa iyo curintiisa. Muddada uu noolaa waa mid aad u kooban haddana raadkiisu waa mid aad u weyn.
  • Wuxu ahaa xalaal miirad dhab ah, oo aanay adduunyadu gacantiisa dhaafin.
  • Fanniyada aqooneed waa ay kooban tahay mid aanu wax ka qorin, taas oo muujinaysa heerkiisa aqooneed. Waxa taas dareemaya qof kasta oo daraaseeya Qasaali, waxa ayna ku carinaysaa ama uu ogsoonaannayaa in aanu aqoonta maaddo kaliya ku koobin barashadeeda ee uu awood u leeyahay in uu maaddooyin kala duwan baran karo caalimna ku noqon karo.

Gunaanad

Muddo ku siman toban qarni oo Qasaali ifka ka qarsoon yahay ma dhicin qarni kaliya in la ilaawo oo aan waxba laga qorin. Dadka wax ka sheegayaa ha dhalleceeyaan ama ha ammaanan e, waa dad aamminsan saamayntiisii qofeed. In badan waxa ay ka doodeen raadkiisa oo wali sii jira, waana sababta in ka badan laba buug qarni walba looga qorayey Qasaali. Waxa intaa dheer in laga sameeyey saddex film oo luuqado badan loo rogay—in qaarkood lagu dhalleeceeyo Qasaali, se uu ka dhaxlay in lagu gorfeeyo aqoontiisii, qofnimadiisii iyo aragtiyihiisi, dadkii islahaa ceebeeya na waxa ay la kulmeen in ay dib u soo nooleyeen aragtiyihiisi.

Qasaali 54jir ayuu ku geeriyooday sannadkii 1111-kii. Ilaahay ha u naxariistee waxa mudan in la xuso muddadaa kooban in uu saamayn weyn kaga tagay bulshooyin badan oo dunida ka mid ah.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso