Ra’iisal wasaaraha Itoobiya oo booqday goobta shilka diyaaradeed uu ka dhacay + Jinsiyadaha ay ka Soo Jeedaan oo la shaaciyey

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa galabta booqday goobta uu ka dhacay shilka diyaaradeed ee nawaaxiga Degmadda Bishoftu oo 47-Km dhanka K/bari kaga toosan magaalladda Addis Abeba.

Wuxuuna murugada la qeybsaday Ehalada dadkooda ku waayay Bur burka diyaaradda Ethiopian Airlines,wuxuuna kula dardaarmay Samir iyo dulqaad iney muujiyaan.

Gudoomiyaha Shirkadda Diyaaradaha Ethiopia Tewolde Gebremariam

 

Sidoo kale,Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ayaa amar ku bixiyay in baaritaan deg deg ah lagu sameeyo si loo ogaado waxyaabaha sababay shilka diyaaradeed loona qanciyo ehalada dadkooda ku geeriyooday shilka.

Rakaab gaadhay a149-ruux iyo siddeed shaqaalaha diyaaradda ah ayaa saarnaa waxayna ku sii jeeday magaalada Nairobi waxaana la rumeysan yahay inay dhammaantood geeriyoodeen.

Shirkadda Ethiopian Airlines waxay xaqiijisay inay wada geeriyoodeen 147-kii rakaabka ahaa iyo 8 shaqaalaha ee saarnaa Diyaaraddii ku burburtay nawaaxiga Degmadda Bishoftu oo 47-Km dhanka K/bari kaga toosan magaalladda Addis Abeba.

Rakaabka Diyaaradda saarnaa ayaa lagu sheegay iney ka soo kala jeedaan 33-dal,waxaana goobta diyaaradda ay ku bur burtay gaaray kooxo ka socota shirkadda Ethiopian Airlines,kuwaasi oo wada howlo lagu qaadayo meydadka goobta yaala.

  • Kenyan -32
  • Canada-18
  • Ethiopian -9
  • Chinese-8
  • Italian-8
  • USA-8
  • UK-7
  • France-7
  • Egypt-6
  • Netherlands -5
  • Germany- 5
  • India-4
  • Slovakia-4
  • Austrian-3
  • Russia-3
  • Sweden-3
  • Spain-2
  • Israel -2
  • Morocco -2
  • Poland -2
  • Belgium -1
  • Djibouti -1
  • Indonesia -1
  • Ireland -1
  • Mozambique -1
  • Norway -1
  • Rwanda -1
  • Saudi -1
  • Sudan -1
  • Somalia -1
  • Serbia-1
  • Togo -1
  • Uganda -1
  • Yemeni -1
  • Nepal -1
  • Nigeria -1
  • UN passport- 1

ayaa ka mid noqday dadkii ku geeriyooday shilka diyaaradeed,sida lagu sheegay war ka soo baxay shirkadda Ethiopian Airlines.

Advertisement

Ku Xayeysiiso