Faah-faahin ka soo baxaysa Diyaarad rakaab ah oo ay leedahay shirkadda Ethiopian Airlins oo burburtay

Diyaarad rakaab ah oo ay leeadahay shirkadda Ethiopian Airlins oo nooceedu ahaa Boeing 737 kana duushay magaalada Addis Ababa ayaa burburtay daqiiqado kadib markii ay hawada gashay.

Rakaab gadhaya 149 ruux iyo siddeed shaqaalaha diyaaradda ah ayaa saarnaa waxayna ku sii jeeday magaalada Nairobi waxaana la rumeysan yahay inay dhammaantood geeriyoodeen , waxaana wali la ogeen in ay jiraan dad ka badbaaday burburka diyaarada.

War ay soo saartay shirkadda Ethiopia Airlins ayaa lagu sheegay in diyaarada ay burburtay 08;38 waqtiga Ethiopia kadib markii ay ka duushay caasimada Ethiopia waxaana socda Dadaallo lagu doonayo in lagu helo burburka diyaarada.

Ra’isul Wasaaraha Dalka Ethiopia ayaa tacsi u direy Ehelada dadkii ay ka geeriyoodeen rakaabka iyo shaqaalaha saarnaa diyaaradda burburtay.

Advertisement

Ku Xayeysiiso