Sacuudiga oo sii deynaya 850 maxbuus oo Hindi ah

Dalka Sacuudi Carabiya ayaa qorsheynaya in ay sii daayaan 850  ruux oo ku jira xabsiyada dalkaasi,ka dib codsi ka yimid R/wasaaraha dalka Hindiya Narendra Modi oo dhowaan dalkiisa kula kulmay Dhaxal sugaha Mohammed bin Salman oo booqasho ku tagay halkaasi.

Xabsiyada Sacuudiga waxaa ku jira 2,224-ruux oo Hindiya ah kuwaas oo loo heysto dambiyo kala duwan sida,Dil,afduub,laaluush,tuuganimo iyo mukhaadaraad,waana tirade ugu badan dadka ka socda dunida  ee ka xoogsada dalkaasi ,sida laga soo xigtay Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Hindiya.

Illaa 2.7 milyan oo reer Hindiya ah ayaa ku sugan dalka Sacuudiga,kuwas oo qabta shaqooyin kala duwan oo qaarkood ah kuwo lagu qaato lacago aad u yar.

Maalinimadii Isniinta Boqortooyada Sacuudiga waxa ay amar ku bixiyeen in la sii daayo 2,100 –maxbuus oo Bakistaan ah,sida laga soo xigtay Wasiirka Warfaafinta.

Advertisement

Ku Xayeysiiso