Laa Narkac Li Qayri-llaah.  Cid aan Allah ahayn uma Rukuucno !Wasiir Ku Xigeenkii Hore ee Khaarajiga Somaliland Md Kaysar

Wasiir Ku Xigeenkii Hore ee Arrimaha Dibada Jamhuuriyadda Somaliland Amb Kaysar Cabdilaahi ayaa Ka hadlay Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ku Tagay Dalka Itoobiya Isaga oo sheegay Marka aad ku kalsoonaato Allaah Cidna aanad Sacabada Hoos dhigan in cid kastaa ku Karaamayn Doonto.

Hadalka Wasiirka Hore ayaa u dhignaa Sidatan:-

Marka aad Naftaada ku Kalsoonaato ee aad si Boqolkiiba-Boqol ah aad u aaminto in Allah uu ku karaameeyay adiga iyo Qarankaaga, ee aad Dalkaaga hagaajisato oo aanad cidna Sacbada hoos dhigan, Waxaa Hubaal ah in cid kastaa ay ku karaamayn doonto oo ay Qadarin doonto adiga iyo Ummadaadaba.

Waa taas ta sababta u ah soo dhawaynta iyo Sharafta ay Dawlada Itoobiya u samaysay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Wafdiga la socda ee booqday Dalka Itoobiya.

Waa Sababta ay Dunidu ku kala soocdo kuna kala taqaano faraqa u dhexeeya Sharafta iyo Haybada Qaranka Somaliland uu leeyahay iyo Sharaf-darrada iyo Karaamo-xumida maamulka Farmaajo ee Muqdisho uu Ajnabigu ku waardiyeeyo.

Rag waxaan ku Maamuli aqaan, amma ku Maamuusi

Massa in aanu nahay ooy Tolnimo, meerto noo tahaye

Oon waliba kaga miil caddahay, miidhse diiddaniye

Masallaha ninkaan ii dhigayn, midig ma saaraayo

Ninkii aniga iga maarmi kara, uma Muraad yeesho.

(Abwaan Saahid) Allah ya Raxma

Somaliland ha Guulaysto

Advertisement

Ku Xayeysiiso