Muuse Biixi Iyo Talada Dalka Daljirka Dahsoon Ciidmada Dabdemiska Somaliland (Qaybtii 59aad) Qore: Maxamed Xoosh

Daljirka dahsoon waa askari u hura waxa ugu qaalisan ee bani,aadam leeyahay wadankiisa waa askariga ka difaaca cadawga shisheeye Dadkiisa iyo Dalkiisa , waxa jira askari isna naf hur badan u gala si uu dadkiisa iyo dalkiisa uga badbaadin lahaa cadaw la degan magaalooyinka waa DABKA iyo AAFOOYINKA DABIICIGA oo aan cidi aqoon balse waajib qaran ay tahay in la xuso oo taalo loo dhiso

Ciidamada dabdemiska Somaliland waa Hay’ad si gaar ah ii soo jiidatay waxay leedahay maamul iyo kala danbayn dhif ku ah maamulada Hay’adaha dalka ka jira

Iyadoo ay tahay Hay’ad dhawaan la aasaasay hadana wey ka dhex mudhay Hay’adihii ka faca weynaa

Waxa la yidhaa 
Maalinta keliya oo la helo maamul toosan waxay u dhigmaan sanado badan oo qalooc lagu soo jiray ka sheekayn maayo aqoonta iyo nidaamka iyo kala danbayta iyo weliba toosnaanta Dabdemiska Somaliland

Balse sawirka guud ee aan ka qaatay Wuu ila qurux badan yahay , badanaa dhaqanka maamulka soomaaliyeed lama kala dhaxlo waayo ninka u sareeyaa wuxuu isku dayaa inaan laga maarmin ama uu la dhinto aqoontii uu yaqaanay si loo yidhaa waxqabad ayuu ka tegay

Maamulka Ciidanka Dabdemiska waxaa ka muuqda jaranjaro kala sarayn leh oo hadii uu madaxa u sareeyaa meesha ka baxo la heli karo qofkii badali lahaa , waa arin dhif ku ah qaab maamulka guud ahaan soomaaliyeed

Dadkeenu waa la COL qofka ka maamul duwan ama fikir duwan , sideedaba Dunidan waxaa wax ka badala qofka halabuurka ah ee ka aragtida fog dadka intiisa badan , Waa u daliil odhaahdii 
Maxamed Xaashi Cilmi “Allahayow dadkayga ama sidooda iga yeel ama sidayda ka yeel ”

Hay”adani waxay haysaa shaqadii ahayd in loo adeego bulshada oo ah tiirka dhisa dawladnimada aynu raadino

Ciidamada dabdemiska Somaliland waa u jawaab nimanka leh maamul xumo ayaa meel walba ka jirta waa markhaati in laga bixi karo dib u socodka oo la isku tashan karo , isha shisheeyuhu waxay qabataa cida iyadu alle talo saarata ee isku filnaata.

hadii ay cidi hore u socotay waxaa kow u ah Ciidamada Dabdemiska Somaliland

Guul Iyo Gobanimo

Advertisement

Ku Xayeysiiso