Maxkamadda Gobolka Oo Ku Riday Wargeyska Foore Xukuno isugu Jira Ganaax iyo Xayiraad

Maxkamadda Gobolka MaroodiJeex ayaa ku dhawaaqdey Xukunka Go’aanka Dacwadii ku socotey Wargeyska Foore.

Maxkamadda Gobolka ayaa ku riday Xukun isugu Jira Ganaax lacageed iyo Xayiraad Wargeyska Foore, Xukunkan ayaa ah Hal Sanno oo Xayiraada oo ah in aanu Wargeysku soo Bixin iyo Saddex Milyan oo Shiling-ka Somaliland ah oo Ganaaxa.

Dacwada Loo Haystay Wargeyska ayaa ahayd Mid ku Saabsan Dhismaha Madaxtooyadda Cusub ee dhismaheeda la doonayo in laga yagleelo Galbeedka Hargeysa gaar ahaan Deegaanka Xaraf.

Advertisement

Ku Xayeysiiso