Go’aanka Uu Qaatay Wasiir Saleebaan Yuusuf Cali Koore Waa Go’aan Dhabarjab Ku Ah Hawlaha Ay Qaranka U Hayso Wasaaradda Horumarinta Biyaha Jsl.

GO’AANKA UU QAATAY WASIIR SALEEBAAN YUUSUF CALI KOORE WAA GO’AAN DHABARJAB KU AH HAWLAHA AY QARANKA U HAYSO WASAARADDA HORUMARINTA BIYAHA JSL.

waxaa warbaahinta maxalliga ah ee somaliland qaarkood lagu daabacay go’aan shaqo joojineed oo uu soosaaray wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha JSL mudane saleebaan yuusuf cali koore oo uu shaqada kaga joojinayo AGAASIMAHA GUUD EE WASAARADDA HORUMARINTA BIYAHA JSL MUDANE AQOONYAHAN JAMAAL CABDI MUUSE oo runtii muujiyay dedaal iyo karti dheeraad ah oo ay aqooni hagayso muddadii uu ahaa agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta biyaha JSL wax badana ka qabtay baahiyihii dhanka biyaha ee inta badan deegaanada JSL kuwa kale oo badana hadda gacanta ku hayay agaasime jamaal wuxuu ahaa masuul muujiyay muwaadinimo iyo dal jacayl dhab ah balse waxaad moodaa in abaal gudkiisii noqday shaqo joojin maadaamoo uu ka dhexmuuqday kana dheereeyay inta badan masuuliyiintii wasaaradda uga sarraysay oo qaarkood shaqadii qaranka kaga mashquuleen inay saxaafadda uga jawaabaan cid aan jawaabtooda loo igmanin sida wasiir saleebaan yuusuf cali koore oo beryahan dambe hayay xilkii wasiirka warfaafinta JSL haddaba waxaan leeyahay madaxweynaha qaranka JSL mudane MUUSE BIIXI CABDI muranka masuuliyiinta xukuumaddaada ka dhex dhaca ka eeg dhinacyo badan oo ay kow ka tahay sida hawsha qaranka ay u gudanayaan ee ay ummadda aad u igmatay ugu adeegayaan si kii wax qabtay aanu u galaafaannin kii uu soo gaadhiwaayay waxaanse leeyahay AGAASIME JAMAAL CABDI MUUSE taariikhdu qarinmayso ilaahayna qadinmaayo.

TAARIIKH: 09/02/2019

By. MAXAMED JAAMAC XASAN

Advertisement

Ku Xayeysiiso