Madaxweyne Trump oo jeediyay khudbadiisi sanadlaha ahayd

Donald Jey Trump Madaxweynaha Maraynkanka ayaa jeediyey khudbaddii sanadlaha hayad ee “State of the Union” taas oo uu kaga hadlo xaaladda dalka iyo waxyaabihii u qabsoomay dowladii mudadii ay jirtay.

Madaxweyne Trump ayaa Khubaddiisa waxa uu si gaar ah kaga hadlay dhaqaalaha, arrimaha socdaalka, qodobka muranku ka taagan yahay ee darbi laga dhiso xuduudda Maraykanka iyo Mexico iyo qodobo arrimaha dibadda khuseeya sida sababta maamulkiisu u taageerayo hoggaamiyaha mucaaradka Venezuela,isagoo si faah faahsan uga hadlay arrimahaasi oo idil.

Munaasabadaasi waxaa goob joog ka ahaa mudanayaasha labada Aqal ee Congaresska iyo Senateka dalkaasi,waxaana madaxweynaha Mareykanka uu ku booriayay in ay go’aan ka gaadhaan howlaha dowladda horyaala sidii loo xalin lahaa muranka siyaasadeed ee taagan iyo sidii loo sugi lahaa ammaanka dalkaasi,isagoo ula jeedo dhismaha derbiga xadka Mexcico iyo Mareykanka.

Qaar kamid ah siyaasiin u muuqday in ay ku aragtio ahaayeen madaxweyne Trump oo hadal jeediyay ayaa in badan ku taageeray dadaalka uu wado madaxweynaha,gaar ahaan xakamaynta soo galootiga,balse waxaa jiray kuwo kale oo siweyn u lafa guray dhibaatada bani’aadanimo ee ka dhalankarta,waxaana jira qoysas badan oo ku dhec lumay xuduudda caruur iyo waalidiintooda.

Dhismaha derbiga xadka ay wadaagaan Mareykanka iyo Mexico ayaa qeyb weyn ka qaatay khilaafka siyaasadeed hay’adaha dowladda Mareykankanka,kuwaasi oo sababay in ay hakad galaan howlihii shaqo ee dowladda.

Advertisement

Ku Xayeysiiso