JACAYLKAYGA KOWAAD W/Q: Jibril Maxamed Ciise Muuse

JACAYLKAYGA KOWAAD

Waxaan ka soo noqday Kiiniya, gaar ahaan casimada Nairobi waxan seexday habaynimadii Gaarisa. Subaxnimadii ayaan Basaskii dhaadhera ka soo raacey oo I keenay xerada Quxuntiga ee Xagar-dheer waxaan seexday Arbeeko oo xagaa looga yaqaano lodge balse maaha Arbeeko dhamaystiran ee waa Arbeeko ku taala Xero-quxunti subaxnimadii ayaan ka soo baxay Xagar-dheer. waxaa wakhti yar gudaheed nalagu keenay Xadka Soomaliya oo ay joogaan ciidamo Soomaliya oo tiro yar gaadhigii aan saarneyn halkaas muu dhaafi Karin wuxuu ahaa gaadhi cusub intayada saaraniba waxaanu dareemaynay degenansho inkastoo su’aalo badan lay waydiinayay sababtoo ah Dadka aan safarka kula jira waa Dad halkii ay ku dhasheen ka danaysanaya ana su,asha u adag ee anaan ka jawaabi Karin waxay tahay muxuu Safarkaagani daaranyay balse waxaan u sheegayay in mudo dhowr sano ah aan ku jiro Safar. Aynu dib ugu noqono qisadan imika miiska inoo saarane waxa nalagu wareejiay Gaadhi Sukisukiya oo Cas balse aad u jajaban. Waxaan dareenay cidhidhi balse waan iska samirnay Roob aada ayaa da,ay kolba Gaadhiga waan ka dagaynayaa meeshu waa Dhul jiq ah oo maalintii aad u qurux badan Habeynkiina mugdiya. Darawalku wuxuu leyayhay xagan dhib maleh balse tuulaha Honsugu markaynu gaadhno wixii ka danbeyay aad ayay u dhib badantay. Marmarka qaar dadka anigu waan lasocda marmarna xariiqdooda waan dhaafaya sababto ah waxa isocday tobabar aanan noocisa arag balse waxaan kala sheekaysanaya inta aanu isla fahmi karno. Waxaan soo gaadhney tuulaha Honsugo oo ay haystaan cidamada Dowlada iyo cidamada nabad ilaalinta Somaliya u jooga ee AMISON. Nin aad u dheer oo xoog wayn ayaa yidhi gaadhiga ka soo daga

 

  • maqaaxida wax ka cuna xiligu wuxuu ku beeganyahay Casar cuntadu wada diyaar maha inbaa imika la diyarinaya waxa laga yaaba Bariiska in u yahay kii shalay ka soo hadhay dabadeto Suugo yar ayaa loo sameynaya oo u dhiganta sida Basbaas cas oo la qoshay macnaha maha Suugo Huteel ama Guri meeshiban fadhisanay Darawalkii wuxuu yidhi Roob badan ayaa da,ay mana socon karayno ee xagan ayaynu seexanaynaa waanu is khilaafnay balse Gaadhiga waxa saaran wiilka Darawalkaa, wiil da,ahaan iga yar oo magacisa la idhaahdo Suudh iyo kirishbooga oo xaga sare saaran waxa kale waa Dumar waxayna ka koobanyihiin sadex Dumara oo ay midi sidato ilmo yar markaan Dumarkii ayaan ku idhi aamusa ana la hadlayee wiilkii si dagan ayaan ugu qanciyay meel u ka baxo markuu wayay ayuu igu yidhi walaalo Jibril anigu howsha ma wato shaqaalan ahay ee ninkii Gaadhiga lahaa aan kugu yeedho ee sug wayay ayaan idhi. Ninkii xooga waynaa ee markaanu magalada soo galnay xagan gaadhiga u lexiya yidhi ayaa noo imi hadalkii ayuu bilabay waxa uu ku doodayo oo dhan maaha wax caqligala balse anoo yaban ayaan la hadlay waxaan hordhigay xujooyin markuu arkay inaanu aniga igu qancin Karin jogitaan ayuu dadkii kale meel ku ururiyay si ay ahaataba isaga iyo tulada dad joogay oo dumar iyo rag isugu jiray waxay rakaabkii ku qanciyeen in ay iska joogan. Rakaabkii ayaa la isoo diray oo lagu soo shubay wixii ninkani amiinsana waxa kale oo ay rakaabku igu yidhaahdeen ninkani wuxuu jooga magaladiisa kada hadalada adadag waxbuu ku yeeli kara intan qoslay ayaan ugu

 

 

jawabin inagu isku mid ayaynu nahay aniguna idinkuunbaan idin hadlayay intaa markaan idhi ayaan soo galay huteelkii (konfurta somaliya maqaaxi ayaa looga yaqaan) yaraa ee cuntada ka cunaynay waxa fadhiya isaga rakaabkiina way soo fadhisteen wuu iga jeestay markaan soo galay waxan ku idhi kolay ujeedo ayaad noo joojinaysaa lakiin kolay islaamnimadu sidan maaha waxa kale oo jiray ereyo kulkuluul oo aan ku idhi oo uu ka diiray sababtoo ah aduunyada meelkastoon marayo xata hadaan dhimanayo hadalka cad waa shay anan kantarooli Karin xili aan u xidhnaa xarakada al-shabaab ayuu oday ila xidhnaa igu yidhi adero cabsidu waa mihiim hadalada aad ku hadlaysana dhib ayay ku keenayan waxaan ugu jawabaya hadalada aan ku hadlayo mana leh mise ALLAH SWT iyo Rasuulka Scw iska leh waayo waxaan u akhriyi jiray maxabista kitaabka riyaadka qisadaa iyo qaar badan oo ka sii cajiibsan halkooda ayaynu ugu tagi

 

  • tan horta aynu dhamaystirno. Intaa ka bacdi waan amusay dadkii oo dhana isku dhinac ayay mareen inkastoo rakaabku ay leyihiin aboowe amus yaan dhib ku gaadhin iyaga waa siday la tahay hadalka waxaan ku soo goyay waxaad saxiib samayn karto same . intaa kabacdi waxa lay keenay Bariis aad ayaan u gaajonayay oo markii horaan ku idhi aniga sugada ha igaga darin midh Kaluuna isoo iibiya midhkaa Kalunan ku cunaya lakiin dadka ayaan hal mar wax la cunayaa inta ay suugadu bislanayso waan sugaya cuntana saaka ayaan noogu danbeysay amar iyo xaasil waa la ikenay cuntadii balse waxan fahmi wayay kalluunka oo aha omaar ayaan ku arkay wax qariiba waxaan waydiyay gabadhii meherada waxay igu tidhi meel bacada ayuu yaalay balse sidii wax dhinac laga kariyay ayuu u eka waanku darsaday wanan iska cunay markii aanu wax cunay ayaa nala geyay guri halkaasna waxaan ku ogaaday wax badan gabadha meherada haysata iyo wiilka gaadhiga leh waay is qabaan ta kale waxa uu noo bajinayay gaadhi kale ayuu sugaya oo ay doonayay inay isasii raacan waayo jidka ayaa laba lagu maraa taas danbe kumaan qabsanba lakiin sidaa waxba noogumu sheegin. Waxa naloo dhigay daarada guriga oo ah guryo soomaligii hore ee baska iyo buulka iskugu jiray caaw ama Sali sidu qofba u yaqaano habeenkaas aad ayaan u xanuunsaday ilaa saladii subaxna quraan ayaan akhrisanayay wanan tukanayay waagu sidi ayuu igu baryay subaxnimadii kamaan quraacan huteelkii ee waxaan soo iibsaday timir oon ku quraacday. Balanta shalay waxay ahayd inuu todobada subaxnimo ama halsaac siday reerkonfurku u yaqanan inuu na kaxeeyo lakiin wakhtigii way dhaaftay markaas ayaan ku idhi saxiib balanta oofi dad safaran nahay ee dhibka naga daa imuu jawaabin ee wuu baxay wanan waynay ilaa tobanki Subaxnimo markay kow iyo tobankii melaha tahay ayaay noo imadeen gaadhigi la sugayay darawalkii iyo ninkiiba hadana cabaar ayay na haysteen ninkii Isxaaq aahaa waanu is af dhaafnay dabadeto nin kale oo ag joogay ayaa yidhi wiilku bir muu arag ee bir ayuu u bahanay wuxuu la hadlaya mid sadexad oo la fadhiya waana sadex nin oo ilmadera intaan qoslay ayaa idhi qoriga waad haysatan keebkana waad taqananan nacasyo ayaad tidhiin wana ladhex galay wuxuu markii danbe soo istaagay ninkan ma qaadayo lacagtana waan ku celinaya meeshu meel gaadhi laga heli karo maaha habeenkii aan joogayna waxay ila ahayd konton sano dabadeto intaan gaadhiga soo galay ayaan ku idhi igama dajin kartid markii qayladii badatay ayaan idhi dadow ninkan isukaya daaya ama si xaqa nookala qabta waligay

 

 

maan arag umad sidan isugu raacdee walaahi idinku idin arkaya ee hadii aanu magalada ka baxno edebuu yelan layee inta markaan idhi ayay dadkii mesha joogay idhaahdeen heshiya isdaaya oo ordo wada safra .

 

Mudo ku dhow sideed sano waxba maan qorin marka laga reebo sadex maqaal markaa wax qaladada hadaad ku aragto ogow waa inta uu ardaygu ku jiray tobabarka rabaaaniga

 

La soco qaybta danbe Magaca qisadan ha ku dagdagin akhriste.

 

W/Q: Jibril Maxamed Ciise Muuse

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso