Qarax khasaare dhaliyay oo ka dhacay Caasimadda Masar

 Wararka ka imaanaya magaalada Qaahira ee Dalka Masar ayaa sheegay in qarax sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac uu ka dhacay gudaha caasimadda dalkaasi.

Laba kamid ah ciidamada amaanka aya ku geeriyootay kadib markii ay isku deyeen in ay gacantooda kaga hortagaan waxyaabo qarxa oo la soo dhigay meel u dhow Kaniisadda Coptic oo kutaala magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar,sida ay shegeen saraakiil ka tirsan laamaha amaanka.

Mustafa Cabdi Waxaa uu kamid ahaa saraakiisha miino badhista,wuuna geeriyooday kadib markii qaraxa uu dhacay intaa ay ku howlanaayeen ka hortagistiisa,labo kale oo ka tirsan saraakiisha ammaanka iyo qof kale oo meesha ka ag dhawaa ayaa sidoo kale dhaawacyo ay soo gaadheen.

Waxyaabaha qarxay ayaa la sheegay in baakad lagu soo daboolay meelna la dhigay oo Kaniisadda kamid ah,waxaana falka uu dhacaya iyadoo loo diyaar garoobayo dabaal degyo ciidaha masiixiyiinta,mana jiraan war rasmi ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka dalkaasi.

Hay’adaha nabad geliyada dalkaasi Masar ayaa in muddo ah waxaa ay la tacaalayaan falalka argagixisanimada ah ee ka dhacay qeybo kamid ah dalkaasi Masar,mana jirto cid ilaa iyo haatan sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi.

Advertisement

Ku Xayeysiiso