ODDOROSKA NAYRUUSKA SANNADKA CUSUB EE 2019-ka Qoraa:- Maxamed Faarax Qoti (Astrologist) Q/3-aad

Wajiga labaad :-. Ciidammada, hiliblayaasha, budhcad badeedka, dagaalka, dilka, dhiigga, muranka, tamarta, gaadiidka, farsamo-yaqaanada dhismayaasha, halyeeyga, maamulka sare, maldahaada, hamadda, taranka, madadaalada, cayaaraha, qalliinka, tubaakada, toonta, fooxa, qoryaha, cuduradda, caabuqa, birta, mindiyaha, qufulada, qalabka wax lagu kuleyliyo, tuubooyinka qasabadaha, qalabka lagu jaro timaha
Wajiga saddexaadna:- Furriinka, carqalada, dhul-gariirka, xagjirnimada, qaniimada, soo jiidashada, xiisaha-badan, xorriyadda, isbedelka, cadhada, fusuqa, kacdoonka, isbedel- kacdoon, hadal-heynta fowdada , waxyaabaha naxdinta leh ee sida lama filaanka ah u dhaca, dhacdo uguba oo aan hore loo arag, wax-aan la saadaalin karin oo aan caadi ahayn, baadhid qotoda-dheer iyo aaladaha cusub.

Wajiga Afaraadna :- dheel-dheelka, maaweelada, farshaxanka, quruxda, jacaylka, guurka, qoysnimada, haweenimadda, dharka dumarka, dhaqanka soo jireenka ah, rayraynta, riyaaqa, faraxa, galmada, lacag, music, wadanoolaanshaha, xidhiidhka, isdhexgalka bulshada, xarumaha bulshada, bulshooyinka, quruxda labiska, haweenka, iskaashiga, wixii hore,kaftanka, Macsiyada, qoysnimada, caddaaladda, shaashaarida, naxaas ah, nac-naca, qoob ka ciyaarka, rabitaan, daadka, qoolleyda, dhagaxyo sumurud la yidhaahdo, ubaxa, canabka.
Wajiga Shanaad:- Beeraha, isbedelka, hooyonimada, haweenka, qoysaska, dhalmada, dareenka, hibada-dareenka, fahamka-deg-dega ah ee dareenka bulshada, fikradaha-guud ee dadweynaha, caafimaadka, bani aadanimada, Bad-maaxyadda, farsamo-yaqaanada qasabadaha, jawaabaha, lacagta, ilmada, dadka caadiga ah, baaxa-dega, heerarka uu maro liska caanuhu, taranka, koritaanka, wax-soosaarka, Khamiirinta, dareerayaasha, dareenkiisa, hooyo, kalkaalinta, boorashka, biyaha.

Dhinaca Awoodaha wuxuu si gaara u khuseeyaa: Karti firfircooni hogaamineed loo muujiyo dadka danyarta ah, si loo raaco hadafkii la doonaayey in la gaadhsiiyo.
Arrimaha Gaarka ahna: Karti firfircoon oo hogaamineed oo loo muujiyo dadka danyarta ah, si ay ugu dhaganaadaan una raacaanaa hadafkii ay doonayeen.
Wuxuu jecel yahay: in cadaalad, deganaansho, xuquuqda xeerarka awoodoodu aadka u sareyso la hello, awood yeelashada, dagaalka, hubka, isticmaalida ugaadhsiga, guusha oo adkaata.
Wuxuu neceb yahay:- awooddaha dibada kaga yimaada, dowladdaha arimaha dibadda, difaaco oo yaraada, dhabqinta dajinta xasiloonida, sababaha macquulka ah ee aadka u sareeya, u adkeysashada, Fulaynimada, madaxbanaanida, waxa dadka kale ay u baahan yihiin, burjigani wuxuu leeyahay awood wax kasta oo fiican uu ku nici karo.
Dhinaca shaqada waxa loo nisbeeyaa: in uu ku shaqeyndoono si qarsoodiya oo uu kaga war-qaba had iyo jeer xasadka iyo xafiiltanka, kaas oo wiiqi kara guusha.
Xirfaddaha:- Waxa lala xidhiidhiyaa dhakhaatiirta haweenka, maskaxda, Dambi-baadhayaasha, ciidamadda amniga, Ciidamada difaaca, saad-hayayaasha, tababarayaasha, qasnajiyadda.

Oogada jidhka aadamahana wuxuu ku leeyahay: Jidhka waxa lala xidhiidhiyaa Jidhkana wuxuu ku leeyahay xubnaha taranka iyo khashin saarka.
Cudurada: Xanuunada ku dhaca xubnaha taranka, kaadi haysta, qanjidhada.
Midabkana: Wuxuu ku leeyahay casaanka iyo Liimiga.
Macdantana: Macdanta rubiga, turquoise, topaz, Dhagaxana: Nuuradda, Cusbada dahabka iyo gaaraneytka. Birtana: biraha aan daxalaysan.

Mandaqadana wuxuu ku leeyahay wadamada: Morocco, Norway, Algeria, Syria, Korea, Uruguay, Transvaal. Cities: Washington, New Orleans, Valencia, Liverpool, Milwaukee.
Xayawaanka: Cayayaanka iyo laf-dhabar laawaha.
Cuntadana: Cuntadda aadka u dhadhanka badan, hillibka cas, toonta, basasha, basal baarta, cuntadana waxa ugu fiican in la cuno cuntooyinka faa’iidada leh sida, khudaarta la miiro.
Geedahana: Duurka, Dhirta lubaanka, beeyada, jaawida, mal-malka, xawaashka, ubaxyada kuwa cadaanka, casaanka. Runtana Allaa Og. ………..la soco……………

Qoraa/ Maxamed Faarax Qoti
Astrologist

Advertisement

Ku Xayeysiiso