MuuseBiixi Iyo Talada Dalka SIDAY U SHAQEEYAAN DAWLADAHA HOOSE (Qaybtii 49aad) Qore Maxamed Xoosh

Sheekadani Waxay Tilmaamaysaa Sida Ay U Shaqeeyaan Dawladaha Hoose
Somaliland Iyo Sida Wax Loo Maamulo Iyo Boos Aan Jirin Sidii Loogu
Sameeyo Qof Aan Jirin Ama Qof La Xanaanaynaayo

Sheekadani Waxay Ka Dhacdaa Dawladaha Afrikaanka Ah Waase La Kala Badsadaa.

Gole Deegaan Ayaa Damcay Inay Caasimadii Biriij U Dhisaan Markay
Dhiseen Biriijkii

Waxa Loo Baahday Nin Ah Ilaalo “Security” Kala Hagga Socodka Gaadiidka
Iyo Nidaamintooda

Golihii Ayaa Go,aansaday In La Shaqaalaysiiyo Nin Dusha Kala Socda
Shaqada Oo Kormeera Ninka Ilaalada Ahaa

Labadii Shaqaale Ayaa U Baahday Nin u Xaadha Xafiiskii

Golihii Deegaanka Shaqaalaysiiyay Nin 3aad
Hadanna Sadexdii Shaqaalaha Ahaa Ayaa U Baahday Dukaan Iyo Makhaayad
Yar Oo u Adeegta Iyanna Waa Loo Dhisay !!!

Golihii Deegaanku Waxay Ogaadeen In Biriijku u Baahan Yahay MAAMULE
GUUD Sidoo Kale Waxa La Ogaaday In Maamuluhu u Baahan Yahay Xoghayn
Iyo Shaqaale Xafiis,Akiifiya, kunbuyuutaro Iyo Daabacaado, Xafiisyo
Goglan Iyo Wixii Raacaayay …..

Sheekadii Ayaa Weynaatay Ilaa Xildhibaan Wal Oo Golaha Ku Jiraa Uu
Shaqaalaysiiyay Qaraabadiisi Iyo Intay Macaarifta Ahaayeen BIRIIJKAA
Yar

Sidii Hawshu Sidaa u Socotaba Maamulidii Biriijka Ayaa Boqolaal
Shaqaale Barar Ah Laga Soo Buuxiyay Oo Loo Baahnayn
Maalintii Danbe Ayaa Nin Madax Ah La Doonay In Xil Looga Doono
Maamulkii Biriijka Waa Loo Waayay Golihii Deegaanka Ayaa Go,aamiyay In
ILAALADA LA ERYO

Sidaad Ogaydeenba Ninka Ilaalada ah Waxaasoo Shaqo ah Loo Sameeyay

Somaliland Si Wax Loo Musuqo Waa In La Sameeyaa Shaqo Barar Iyo
CAAGLAYN Been Ah Oo Lagu Doonaayo In Lagu Lunsado Hantida Umadda
Tabaalaysan Ee Garanayn Meel Laga Haleelay

Dadkaygu Alle Ayay Leeyihiin, Rajadu Se Ma Xuma

Maxamed Xoosh

Advertisement

Ku Xayeysiiso