Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi Wuxuu Taci u Dirayaa Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Siciid Xaaji Axmed Cali (Siciid Afqalooc)

Taariikh: 24 /12/2018

TACSI MADAXWEYNE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, Golaha Deegaanka Caasimada Hargeysa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Siciid Xaaji Axmed Cali (Siciid Afqalooc) oo ku geeriyooday Shalay galab oo ay taariikhdu ahayd 23-12-2018, Dalka Ingiriiska.

Madaxweynuhu waxa uu si gaara uga tacsiyadaynayaa geeridaa ku timid Marxuumka Dhammaan qoyska reer Afqalooc iyo golaha deegaanka Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Golaha Deegaanka Caasimada Hargeysa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Aamiin Aamiin Aamiin

Advertisement

Ku Xayeysiiso