Waa Kuma Madaxweynaha ku Guulaystay doorashada Maamulka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya?

 

Waa Kuma Madaxweynaha ku Guulaystay doorashada Maamulka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya?

Baydhabo(Togaherer)- Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa ku guuleystay doorashada Madaxweyne-nimada Dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya, waxaanu noqonayaa Madaxweynihii labaad ee loo doorto intii uu Maamulkaasi jiray.


Wuxuu helay codad gaarayo 101 (Boqol iyo hal) cod, halka Musharraxii ku soo xigay oo ahaa Aadan Maxamed Nuur Saransoor uu helay 22 cod. Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa isla maantaba markii natiijada doorashada xarunta Baarlamaanka Koonfur-gableed ee magaalada Baydhabo ka qabsoontay uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Guddiga doorashada Maamulkaas, waxa loo dhaariyey xilka Madaxweynaha Koonfur-galbeed ee loo doortay.



Cabdicasiis Xassan Maxamed oo ku magac dheer Laftagareen Wuxuu ku dhashay degmada Luuq ee gobolka Gedo, sanadkii 1970, sida lagu sheegay Warbixin ay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC oo aannu ka soo xigannay baahisay Maanta.

Wuxuu leeyahay hal xaas iyo saddex carruur ah. Waxbarashadiisii dugsiga hoose, dhexe iyo sare wuxuu ku qaatay isla degmada Luuq. Wuxuu Luuq ka ahaa macallin iskuul. Magaalada Muqdisho ayuu jaamacad ka dhigtay. Xilal badan ayuu na dowladihii dalka soo maray ka soo qabtay.

Sannadkii 2007 wuxuu ahaa maamule ku xigeenkii Furdada Xamar. Sanadkii 2008 wuxuu xukuumaddii raysal wasaare Nuur Cadde ka soo noqday wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada. Sanadkii 2009 wuxuu xukuumaddii Cumar Cabdirashiid ka noqday wasiirka gaadiidka iyo arrimaha badda.

Isla xukuumaddii Cumar Cabdirashiid wuxuu sanadkii 2010 ka noqday wasiirka xannaanada xoolaha. Xukuumaddii raysal wasaare Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu noqday wasiiru dowlaha boostada, isgaarsiinta iyo warfaafinta.

Xukuumaddii Cabdiweli Sheekh Axmed wuxuu noqday wasiir ku xigeenka kalluumeysiga. Xukuumadda raysal wasaare Xasan Cali Kheyrre wuxuu ka noqday wasiiru dowlaha wasaaradda ganacsiga.

Cabdicasiis Laftagareen wuxuu u tartamay guddoomiye baarlamaan. Wuxuu noqday wasiirka tamarta iyo kheyraadka biyaha, maantana waa Madaxweynaha Koonfur-galbeed. Inkasta oo lagu eedaynayey inay dowladda federaalka Soomaaliya wadato Cabdicasiis oo ay la rabtay booskan uu maanta ku guulaystay, isla markaana Musharrixii loo arkayey inuu ugu taageero badnaan doono Musharrixiinta dawladdu ka soo xidhay Khamiistii inna dhaaftay, kaas oo ahaa Mukhtaar Roobow Cali Abu-maansuur oo weli Muqdisho ku xidhan,

Advertisement

Ku Xayeysiiso