Oromada in lagu yidhaahdo laan-dheerenimadu xil bay leedahay ee xilkii hala idinka arko, way u baahnayd, iyaguna ……”

“Oromada in lagu yidhaahdo laan-dheerenimadu xil bay leedahay ee xilkii hala idinka arko, way u baahnayd, iyaguna ……”

 

 

Dawladda Somaliland Iyo Madax-Dhaqameedka Oromada Oo Ka Wada Hadlay Dagaallada U Soomaalida & Oromada

 

 

“Waad Ogtihiin oo Tirada Geeska oo Dhan marka la isku daro Oromadu Nus bay yihiin, Awoodiina way ku darsadeen Tirada Intaas Le’egina Kibir bay leedahay”

Hargeysa(Togaherer)- Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa sheegay in ay kala hadleen Waftiga Ganacsatada iyo Madax-dhaqameedka isugu jira ee ka socday Qoomiyadda Oromada dalka Itoobiya oo ay shalay kulan la yeesheen, kana wadahadleen danaha ka dhexeeya Somaliland iyo Oromada iyo weliba sidii loo soo afjari lahaa colaadda deegaannada Mooyaale oo u dhaxaysa Soomaali iyo Oromada.

Guddoomiye Saleebaan oo warbixin siinayay fadhigii shalay ee golaha guurtida kaasi oo ay weftiga madaxdhaqameedka ah ee Qowmiyada oromadu ka qaybgaleen ayaa  yidhi “Qowmiyada oromadu show waxay leeyihiin baarlamaan, sideedii sannadoodba mar baa guddoomiye loo doortaa bay yidhaahdeen weftigu, xayntii innoo timi waxaa watay guddoomiyihii siddeedan sanno madaxda u ahaa barlamaankooda. Waxaan is leeyahay waxay ku yimaadeen [martiqaad ay u sameeyeen] salaadiintii iyo madaxdhaqameedkii [Somaliland] ee dalkaas tagay markii ay is badalayeen dawladda kililku, dawladduna waa la aqbashay sidaasia yaana horta lagu soo casuumay oo ay ku yimaadeen, waanaynu u baahnayn [inay yimaadaan] oo soomaalida iyo ormaduna waa kuwii dhawr jeer isku dhacay, imaatinkoodana waa loo baahnaa oo Tirana waad ogtihiin oo waxeena geeska oo dhan marka la isku daro nus bay yihiin, awoodii dawladeedna ku darsade, awooda intaas le’egina kibriyaad bay leedahay, illaahay baa kibriyaad lehe, markaas in looga digo way u baahnayd oo lagu yidhahdo tirada iyo laandheerenimadu xil bay leedahay  ee xilkii hala idinka arko, wixii dhibaato ah ee idinka iyo soomaali dhexyaallana dee idinkaa muruqyo waynaaye xal u doona, taas Mooyaalena dee qaboojiya waad daawanaysaane, iyaguna nagumay diidin, in intaas looga sii dhawaadana waa lagama maarmaan”. Ayuu yidhi guddoomiye Saleebaan.

Advertisement

Ku Xayeysiiso