Madaxweynaha Dalka Jabuuti oo Qasriga Madaxtooyada Ku Qaabilay Ra’iisal Wasaare Ku Xigeenka Dalka Somaliya

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa magaalada Djibouti kula kulmay madaxwaynaha dalka Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalkaasi iyo madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka wada hadlay xidhiidhka walaaltinimmo ee labada dawladood iyo labada shacab, arrimaha gobalka, iyo amniga.

Mudane Mahdi Maxamed Guuled ayaa madaxwaynaha Djibouti uga mahad-celiyey taageerada reer Djibouti la garab taagan yihiin shacabka iyo dawladda Soomaaliye.

Madaxweyne Geelle ayaa intii kulanku socday ballan qaaday inay joogtaynayaan is-garab istaagga shacabka iyo dawladda Soomaaliyeed.

Wsiirro iyo mas’uuliyiin kale oo ka socda labad dawladood ayaa qayb ka ahaa kulanka ay yeesheen ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo madaxwaynaha Djibouti.

Advertisement

Ku Xayeysiiso