Madaxweynayaasha Jabuuti iyo Suudaan oo gaadhay Itoobiya.

Madaxweynaha Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo iyo Madaxweynaha Suudaan mudane  Cumar Xassan Al Bashiir ayaa maanta gaadhay Magaalada Jimma ee gobolka Oramia ee dalka Itoobiya.

Labada Madaxweyne ayaa soo dhoweyn diiran kala kulmay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya mudane Abiy Axmed oo ku qaabilay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Jimma.

Waxa ay booqaan doonaan Cumar Xassan Al bashiir iyo Madaxweyne Geelle mashaariic horumarineed oo laga fulinayo Magaalada, oo ay ka mid tahay daahfurka Warshado iyo Xarumo Caafimaad.

Sidoo kale waxaa la filayaa in ay ka qeybgalaan xuska maalinta shacuubta iyo Qoomiyadaha Itoobiya ee 13-ka bishaan ka dhaceysa dalkaasi.

Advertisement

Ku Xayeysiiso