Jawaab  iyo caddayn maqaalka cinwaankiisu yahay: ‘’Warbaahinta Carabtu maxay ka qortay guusha Ilhaam Cumar iyo Somalida?’’ W/Q Maxamuud Ismaaciil Barreh

Jawaab  iyo caddayn maqaalka cinwaankiisu yahay:
‘’Warbaahinta Carabtu maxay ka qortay guusha Ilhaam Cumar iyo Somalida?’’
W/Q Maxamuud Ismaaciil Barreh

Waxaan ku arkay mareegaha qaar maqaal xiisa badan oo uu qoray mudane Hussein Jama Guudcade oo xambaarsan cinwaanka dusha ku tilmaaman. Marka hore waxaan hambalyo u soo gudbinayaa mudane Hussein xogaha muhiimka ah ee AfCarbeedka ku qornaa ee uu inala wadagay oo qaar dadka  ku cusboonaan karaan sida kooxda reer Ukraine (Yukreen) ee magaca Soomaalida la baxday. Wuxuuna maqaalkiisu tilmaamayaa aragtida Carabta sida uu hadalka u dhigay. Anoo xog ogaal u ah qoraalka Carabida ah ee uu ka soo turjumay maqaalkaas welina warbaahintana qaar ku jira ayaan horta qirayaa inuu si fiican oo xirfadi ku jirto u turjumay.
Su’aasha is weydiinta leh  waxa weeye: Sidee ayaan xog ogaal ugu ahay qoraalka Carabida ah ? Waxaan xog ogaal ugu ahay qoraalka Carabida ah aniga ayaa qoray markii ugu horeeysey sida xagga hoose ku qeexan. Waxaanna ku qoray sidii tacliiq ‘ comment’  oo kale ah anoo isticmaalay magaca Mahmoud Barreh, taariikhdu markay ahayd 07/11/2018 goor fiid ah ‘Youtube Channel’ ay leedahay France 24 Arabic, cinwaankiisuna yahay: https://www.youtube.com/watch?v=GcGVwUyAolM
Waxaan qoralkaygii ku arkay usbuuc kadib  isagoo la qora taariikhdu marka ay ahayd 08/11/2018 ( maalin ka dib markaan qoray) ‘Youtube Channel) ay leedahay ArabNews iyadaan waxba laga bedelin oo sidiisii loo soo naqilay, cinwaankiisuna yahay : https://www.youtube.com/watch?v=qZiw62_yKVk .
Waxaa qofka qoray isku magacaabay رضى الحمن غايتى   malaa wuxuu u jeeday رضى الرحمن غايتى. Markaan arkay arrintaas oo aad iiga xanaajisay ayaan isla goobtaas ay leedahay  ArabNews isku deyey inaan jawaab ‘ reply’ ku hoos qoro qofkii qoraalkayga soo naqilay si aan ugu caddeeyo inaan qoraalkaas anigu leeyahay. Waxaan sidoo kale  dhowr jeer isku deyey inaan ‘comment’ ka bixiyo si ashkato ahaan ah , laakiin lama soo gudbin qoraaladayda.

Horta waxaa farxad leh in dad badan ay gaadhay fariintii qoraalku, ujeedaduna taas ahayd.  Arintana waxaan ku tilmaamay baraha bulshadu ku kulanto (social media). Laakiin waxaan la qaadan karayn in qoraalkaagii qofkale sheegto iyadaan ogolaansho lagaa helin, xad gudub cadna lagugu sameeyo oo arintu tahay ‘ plagiarism’ ama qoraal ogolaansho la’aan meel kale laga soo qaaday. Waxaanna ku guda jiraa sidii aan arrintaas uga daba tegi lahaa , xaqayga figriga ahna ( intellectual right) u ilaalin lahaa. Anigu qoraalka meelna kama soo naqilin ama qaadin, xogo aan hayay ayaan qoraal ahaan ku soo gudbiyey.  Tusaale, waxaan ayaamo ka hor qoraalka intaanan qorin ogaaday kooxda reer Ukraine ee Soomaalida isku magacawday. Waxaan kula wadaagay dadka qaarkood barta Whatsapp ka.

Waxaa xusuus mudan ‘ Gene’ ka  ama asalka Soomaalidu ka soo jeeddo ee la yidhaahdo Haplogroup E1b1b ee aan ku tilmaamay maqaalka layga naqilay inaan si faahfaahsan halkan ugaga sheekeeyey  (xagga hoose riix) , magaca Mahmoud Barreh, halkan ayaad ka heli kartaan : https://www.youtube.com/watch?v=eSxs0X8pgsI.
Waxaad isu qiyaasi kartaan usluubta lagu qoray labada qoraal sida ay isugu egyihiin, kan iyo ka la iga naqilay. Qoraalkan isna waxaa ku duugan xogo muhiim ah . Waxaan is idhi waxa loo naqili waayay waxaan tilmaamay inaan Soomaali ahay. Waxaanan iyana hubin in qoraaladayda aan halkan ku tilmaamay  meela kale lagu naqilay inkasta oo aan ‘Google’ ka ku baadhay.

Ugudanbayntii, waxaan ku gunaanadayaa haddii la arko qoraaladaas aan tilmaamay oo ku qoran taariikh ka horaysa kuwa aan qoray oo magacyo  kale sita oo aan ahayn Mahmoud Barreh,waxaan caddaynayaa inaan dooddayda waxba ka jirin.

Wabillaahi tawfiiq

Maxamud Ismaaciil Barreh (Mahmoud Barreh)

UK

 

 

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso