Ethiopia  iyo siyaasada cusub ee midowga 

Ethiopia  iyo siyaasada cusub ee midowga

Sida aynu wada ogsoonahay Ethiopia iyo soomaaliya waxa ka dhexeeysa utun siyaasadeed, oo soo taxneyd sanado dheer, taas oo ku salaysneeyd dhinacyo farabadan, sidaa dhanka diinta, deegaanka, iyo siyaasada taas  oo noqotay ta ugu mihiimsan sanadahan  danbe.

Ethiopia maxay dooneysaa…?
Se Ethiopia ma isbadashay….?
Ethiopia ma lala midoobikaraa…?
Loolanka siyaasada bariga africa yaa wada….?
Halkeese  ayuu u socdaa……..?

Waxaan taxliil kasamayn doonaa ariimaha soo xusay ee ku saabsan Ethiopia……

Ethiopia waxay rabtaa isbadal dhaqaale, deegaan iyo mid siyaasadeed oo ka dhaca  arlada soomaalida, isbadalku maaha mid  ku fadhiya horumarka umadda soomaalida, markaan ku  leeyahay isbadal maaha isbadal laakiin waa qabsasho ay Ethiopia qabsaneyso dhamaan umadda soomaalida,  taas oo ah waxay dooneysey sannado dheer.

Ethiopia ma isabadashay …… dad badan ayaa u malaynaya Ethiopia iney isbadashay  laakiin ismaba badalin waana Caynkii hore  aynu ku naqaanay Ethiopia ,  ee waxa isbadalay maqaarkii sare ee Ethiopia  ama madaxdii hore uun laakiin xisbigu waa xisbigii, nidaamkuna waa kii hore ee u dhignaa Ethiopia,  waxa kuu cadaynkara ineyna waxba isbadalin,  siyaasada ethiopia ee ku wajahan umadda soomaaliyeed, oo halkeedii taagan  iyo damaca dhulka soomaalida ee Ethiopia   taas oo sii xoojisey damacii ay ku dooneysey  qabsashada, dhulkeena, taas oo ah  siyaasada cusub ee nabadeed Ethiopia ay wado, leedahayna waxa midoobaya geeska afrika,

Ethiopia ma lala midoobi kara
Maya marka lagahadlayo dhul iyo dawlad ahaanba , maxaa yeelay Ethiopia waa dawlad (liqikarta) umadda soomaaliyeed  oo dhan tiro ahaan, mida kale Ethiopia waxyaabaha loola midoobikarin waxa kamida guumeysiga ay ku hayso qaybka mida umadda soomaaliyeed, sidoo kale waxaa jira farqi u dhexeeya  dhanka diinta oo ah shay saldhig u ah midowga umadaha adduunka,
Intaaba waxaka mihiimsan in umadda soomaaliyeed, ay u aragto Ethiopia cadowga kaliyee ay leeyihiin in ay tahay Ethiopia….. sababahaa awadeed ayaan Ethiopia loola midoobikarin iyo qaarkalaba

Loolanka siyaasadeed ee bariga  africa yaa wada..? Halkee se u socdaaa  taas na waa mihiim marka laga  hadlayo siyaasada bariga africa

Ethiopiayada weyn ee bariga africa  maaha siyaasad lala gabaday ama laqarinayo, waana mid cad oo ay ka shaqeynayaan wadamada khaliijka, iyo dawladaha waa weyn qaarkood taasna waxa cadeynkugu filan ninka ka tirsan sirdoonka sucuudiga kuwooda ugu sareeya, (Anwar Alcishqi) oo yidhi mar uu lahadlayey sir doonka yuhuuda waxaanu dhiseynaa Ethiopiayada weyn waxaanu kafaaideysaneynaa shidaalka iyo hantida umadahaas sidoo kale waxaanu hooskeeni doonaa soomaliya iyo djaboutiba Ethiopia  hadal sidaas macnihiisu yahay ayuu lahaa lakiin u hirgelimayso haday midoobaan umadda soomaaliyeed,

Qoraa Ahmed mouse

Advertisement

Ku Xayeysiiso