Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Somaliland oo Ku Jirta Lacag Urursi Arxan-daro ah. By Mawliid Cabdi Ibraahim

.

Waxaan xareystay Liisanka waddida Gaadiidka taariikhdu markay ahayd 17/03/2018 waxa aan shubay dhamaan lacagihii la iga doonaayey ee uu sharcigu igu Waaajibey Kuwaasi oo u kala qaybsamaayey Liisanka laftiisa iyo Caafimaad waxay noqonaysaa Guud ahaan 800,000 SL.SH oo u dhiganta $80 dollar,
Waxa la iga qaaday Imtixaankii Waddida Gaaddiidka oo laba qaybood ahaa PRACTICAL iyo THEARY qaybta koowaad waxay ahayd Gaadhiga waddidiisa qaybta Labaad imtixaanka Calaamadaha Wadida Gaadiidka oo la i waydiiyey dhamaan si fiican ayaan uga Gudbey SHuruudihii iyo Wadimihii dhinaca Waddida Gaadhigana Gaadhigana 90% si Fiican ayaan isna uga gudbay waxa la i siiyey waraaqihii aan ku gudbay ee aan ku qaadan lahaa Sharciga Ama Liisanka Waddista Gaadiidka Dhexe waxaana ii saxeexay shan masuul (5) oo kala ah saddex askari oo Ciidanka nabadgelyada Wadooyinka ah (trafic) iyo Laba masuul oo Wasaaradda Gaadiidka iyo jiddadka ka tirsan kuwaasi oo dhamaan isku raacay in aan ahay Qof Buuxiyey DHamaan Shuruudihii la iiga baahnaa sababteyna in la i siiyo Warqada Cadaynta ah ee aan ku qaadan Doono Liisanka Sharciga ah ntaas Ka Dib waxa la igu war galiyey in aan Sugo inta ay imanayaan Liisamadii Lasoo Daabacayey,
Mudadaasi ilaa intii wixii ka dambeeyey waaley cel celinaayay oo waxa la igu lahaa wali may soo bixin Liisamadii ee iska Sug mararka qaarna waxa la ii qabtay Bilba Bisha ay ka Dambayso.
waxa uu Xaalku sidaa ahaadaba waxa aan Dib ugu Laabtay Goobta Wasaaradda Gaadiidka iyo JIdadka ee lagu Bixiyo LIisamada Maanta oo ay Taariikhdu tahay 22/11/2018 waxa markii aan goobta gaadhey waydiiyey Hawlwadeenadii Goobta ku sugnaa in uu diyaar yahay Liisankaygii aan Xereystey Taariikhdu Markay ahayd 17/03/2018.
waxa ay iigu Jawaabeen Maya Wali muu soo bixin ee waxa lagaa Rabaa hada in aad dib u gasho Imtixaankii aad hore usoo gashey sido kalena aad qaadato Buug Cusub oo Qiimihiisu yahay $5 Buugaasi oo mid ka mid ahi uu gacanta ku hayay oo uu inta uu kor u qaday i Tusey.
Arinkaasi Cusub ee ay igu Wargaliyeen waxa uu igu noqday Fajac iyo Amakaag waxanan mar kale ku war galiyey in aan hore u soo wada galay dhamaan waxaasi oo dhan balse waxa ay jawaab Cad iiga dhigeen mar kale la iiga baahan yahay in aan dhamaan maro waxaasi oo dhan isla markaana aan Iibsado Buugaasi Qiimihiisu yahay $5 Doollar ama 50’000 SL SH.

yaab !!! ayay igu noqotay waxaan waydiiyey halka uu ka yimi amarka in dib loogu celiyo dadkii ka gudbey Imtixaanka Lacagtana hore u bixiyey, waxaanay iigu Yidhaah deen Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo JIdadka Cabdilaahi Abokor ayaa sidaasi nagu war galiyey amarka nasiiyey.
Waxaana ii Cadaatey in Wasiir Cabdilaahi Abokor uu Shacabka SOmaliland ee Maatida ah u dhigtey Isbaaro Wasaaraddiisa iyada oo aynu dhamaan ka dharagsanahay in uu Gacanta Dawlada Dib ugu soo celiyey Dhamaanba qaybihii kala duwanaa ee Wasaaradda Sida Bixinta Liisamada oo Dad gaar ah ay hore u siisey Xukumadii Siilaanyo isla markaana ay Shacabku soo Dhaweeyeen arintaasi iyaga oo ka Filaayay Wasiirka in ay Meesha ka Baxdo Lacagihii dulsaarka ahaa ee Muwaadiniinta Laga Gurey jirey.
Balse Taas bedelkeeda Wasiirka Gaadiidka ayaaba hada Dhigtey Bar Kantaroolo uu Shacabka Masaakiinta ah ku Baadho iyada oo ayna wali cadayn halka ay Lacagahaasi gaarka ahi ku dhacayaan balse u eeg qaar Jiibka Wasiirka Si Toosa ugu dhacaya.
Wasiir ka Shaqaysta Shacabkiisa Somaliland ayaa Laga helaa Sida Cabdilaahigan Wasiiradda Gaadiidka iyo JIdadka.
Allow usoo Gar gaar Shacabka Masaakiinta ah ee Kiishashka gaarka loo Samaystey.

Mawliid Cabdi Ibraahim

Advertisement

Ku Xayeysiiso