Gobolada Waddanku Tora Bora ma aha ! W/Q Maxamuud Ismaaciil Barreh

Gobolada Waddanku Tora Bora ma aha !
W/Q Maxamuud Ismaaciil Barreh

Waxay bulshada Reer Somaliland ku mashquushay ayaamahan gudo iyo debedba booqashada Madaxweyne Muuse Biixi ugu ambabaxay gobolada waddanka qarkood. Waxayna noqotay arrinta ugu hadal haynta ama ugu falaqaynta badan ee bulshada goboladaas ka soo jeeddaa is weydaarsato gudo iyo debedba . Ahmiyadda ay arrintaasu u leedahayna ay ka turjumayso sida aan loo kala hadhin ee Madaxweynaha loo soo dhoweeyey.
Waxaan jeclaystay markaas inaan ra’yigayga ka dhiibto arrintaas oo bulshada Reer Somaliland la wadaago.Waxaan dib u milicsaday maqaal aan arrintaas ka qoray waqtigii xukuumaddii Madaxweyne Axmed Siilaanyo ay cusbayd oo uu boqasho ku tegay gobolada qaar oo la moodo in taariikhdu is qorayaso (the history repeats itself التاريخ يعيد نفسه). Maqaalkaas oo aan warbaahinta Somaliland ku soo bandhigay muddo ilaa 7 sano qiyastii laga joogo, ayaa nasiib darro ka baxay kaydkooda (their servers), balse waxaan u kaydiyey qoraal ahaan ( word document). Waxaa ku dugan qoraalkaas waxyaalo taabanaya isla dareenka aan maanta qabo 100% . Maqaalkuna isla cinwaankaas dusha ku tilmaaman ayuu lahaa. Wuxuuna ii fududeeyey inaanan qoraal kale soo bandhigin oo siduu u qornaa 7 sano ka hor u soo bandhigo isagoo marlabaad xaaladdan aan tilmaannay ka turjumaya.
Waakan qoraalkii 7 sano ka hor
‘’Waxaan doonayaa halkan inaan ka bayaamiyo arrin ay caadaysteen maamuladii kala dambeeyey ee soo maray Somaliland taas oo aad mooddo in laga dhaxlay nidaamkii diktaatooriga ahaa una baahan ra’yigayga in wax laga bedelo. Arrintu waxay ku saabsantahay booqashada madaxda Somaliland ku tegayaaan goboladda iyo magaalooyinka kale ee waddanka , taas oo la buunbuuniyo warka madaxdiisana laga dhigo.
Tusaale,waxaynu daawanay madaxweynaha oo u kicitimaya Burco iyo sida loo soo habeeyey ambabixiisa iyo ciidamada ku hareeraysan . Ayaama ka hor ayaa la iclaayimyey booqashadaas ,warbaahintuna aad bay ugu mashquushay waxbadanna way qaadaa dhigeen ujeedada madaxweynuhu ka leeyahay booqashadaas!

Aniga rayigayga markaan cabiro waxay ila tahay , meesha kuma jiraan wax laqaadaa dhigaa ama laysku mashquuliyaa.Goboladda waddanku Tora Bora (Afghanistan) kuma yaallaan! Mas’uul walba oo xukuumadda ka tirsan waxay ahayd inuu shaqo u tago si joogta gobolada iyo magaalooyinka waddanka, si sawaxan la’aani ku jirtona u soo booqdo! Waa inaynu ogaannaa inayna muhimaddu ahayn booqashada lafteeda ee ay tahay nuxurka iyo waxqabadka halkaas ka soo baxa!
Waxaannu jeclaan lahayn in warku sidan u qornaado ‘Madaxweynaha ama wasiir hebel ayaa magaalada hebla ka soo saaray go’aan ku saabsan …’ oo muhimaddu noqoto go’aanka meesha ka soo baxay, booqashaduna noqon mid laysku mashquuliyo. Aan ka guurno nidaamadii hore ee ina xasuusinaya kuwii keligood taliyayaasha ahaa.
Arrintuna kuma koobna xukuumaddan hadeer jirta ee waa dhaqan la caadaystey oo ay xukuumadihii horeba ee Somaliland samayn jireen una baahan in laga guuro’’. Dhammaad.
Waxaan ku soo gabagabaynayaa, Madaxweyne Muuse Buuxi wuxuu Somaliland u horseeday joojinta soo dhoweyntiisa iyo sii sagootinkiisa markuu waddanka ka ambabaxayo ama ku soo laabanayo, arrintaas oo iyana qoraal ahaan aan ra’yigayga ka dhiibtay waqti hore. Anoo la yaaban madaxweyne gurigiisa lagu soo dhoweynayo ama laga sii sagootiyo ! Xagee loo sii sagootiyaa ee uu ku maqnaanayaa in badan ? Iyana waa in la joojiyaa sawaxanka iyo buunbuuninta booqashada gobolada waddanka. Waxay haboontahay buunbuunintu iyo dhoola tuska booqashada goboladu marka loolan doorasho ama siyaasadeed jiro oo qudha.

Wabillaahi tawfiiq
Maxamuud Ismaaciil Barreh
UK

Advertisement

Ku Xayeysiiso