General Jaamac Maxamed Qaalib Oo Ka Hadlay Isbedelada Uu Itoobiya Ka Wado Dr. Abiy Axmed Iyo Halka Ay Mustaqbalka Ku Dambayn Karaan

General Jaamac Maxamed Qaalib, ayaa markii u horaysay ka hadlay isbedelada ka socda Itoobiya iyo rajada xidhiidh isfaham oo dhex mari kara Itoobiya iyo Soomaaliya.

General Jaamac-yare, ayaa qoraal uu luuqada Ingiriisida ku qoray oo uu shalay baahiyay, wuxuu kaga hadlay isbedelada uu gudaha Itoobiya ka  bilaabay Raysalwasaaraha Itoobiya Axmed. Qoraalka Jaamac Maxamed Qaalib oo uu Geeska Afrika soo turjumay wuxuu u dhignaa sidan

“Furfurida Abiy Axmed wadaa waxay casuumaysaa ama qasbaysaaba  dareenka qofka ay khusayso arrintani, waa arrin aad iyo aad ugu qalanto in si xiiso badan loo eego, Itoobiya hadda waxay taagantahay isgoys, aad ugu eeg halkii uu istaagay  Midowgio Soofiyeeti  ee hore inyar ka hor burburkiisii, Hortaantii  sagaashamaadkii.

Gorbachove muu filayn mana uu jeclayn inuu kala firdhiyo nidaamkaas   shabakada ahaa ee maamulkii Midowga Soofiyeeti, taas oo laga yaabo inuu ku tixgelinayay horumarkii dhaqan dhaqaale ee bulshadu ay samaynaysay muddo ka badan 70 sannadood, inkastoo uu gaabis ahaa. Laakiin waxa muuqata inuu qiimeyn hoose ku sameeyay inay tahay inaanu ilaabin in nidaamka shabakada ahi uu yahay ka keliya ee uu Midowga Soofiyeeti hayay.

Gorbachove, wuxuu soo saaray qorshihiisii caanka noqday ee Prestroik and Glasnaut oo macnihiisu yahay dib u nidaaminta iyo furfurnaanta isagoo si han  leh u rajaynayay inuu bedelo aragtidii dhaqan dhaqaale ee markaas ka jirtay midowgii soofiyeeti ee hore iyo in dhaqan gelinteedu ay noqonayso wax tar sii kordhay iyo inuu awoodi midowga soofiyeeti inuu dhaqaale ahaan u babac dhigo kuwa kuwa ka soo horjeeda; waa dadka reer galbeedka’e.

Laakiin markii uu furfurmay nidaamkaas shabakada ah, waxa furmay sanduuq aan laga hortagi Karin lana joojin Karin kaas oo markiiba ku hoggaamiyay inuu furfurmo cimlaaqii awooda badnaa oo midwogii soofiyeeti ee hore ahaa.

Haddaba hindisaha cusub ee hadda Abiy kuwado Itoobiya waxa uu warka oo kooban noqon doonaa laba midkood. Inuu ku hoggaamiyo xornimada  Oromada iyo awood siintooda sharciyeed, ama waxay noqon kartaa xasilooni daro dalka ka dhacda, xataa haddii aanay la mid ahayn midwogii soofiyeeti  ee hore, xasilooni darro noocaas ahina wuxuun bay hordhac u tahay burbur dhammaystiran oo dhaca.

Oromadu waa bulshada ugu balaadhan qoomiyadaha itoobiya oo dhan, inkastoo ay ka yaryihiin aqlabiyada, qiyaastii waa 40%.

Haddii uu hindsaha Abiy keeno dimuqraadiyad run ah oo ah  inta badani inay dalka hoggaamoso, Oromadu waxay markasta noqon kartaa isbahaysi muhiim ah (Marka awood qaybsiga laga hadlayo)

Haddii dhinaca kalena ay taasi kaahoristaagto dimuqraadiyad lagu dhaqami waayo, isbedelku  wuxuu noqon doonaa rabshado iyo xasilooni darro.

Marka la eego qadidyada Soomaalida, ku hoos jira xukunka Itoobiya, xaaladoodu wuxuun bay iska sii ahaanaysa sidii dad la gumaysanayo oo aanay muhiim u samaynayn isbedelada ka dhacaya Itoobiya.

Soomaaliya iyo Itoobiya waa dalal jaar ah, waxaanay u baahanyihiin inay nabad ku wada noolaadaan, laakiin iskaashi kasta oo macno samaynaya oo labada dal dhex maraa waa riyo inta ay tuumbada kusoo jirta dhimanaysa ilaa inta ay Itoobiya gumaysanayso dhul aad u balaadhan oo Soomaaliyeed iyo dad, (Ogaden).
Geeska
 

Advertisement

Ku Xayeysiiso